Home | News

News

image

Ra'isulwasaare Nuur Cadde oo madaxweyne C/laahi Yuusuf ugu baaqay inuu xilka iska casilo.

R/wasaare Nuur Cadde ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf Axmed inuu xilka iska casilo mar hadduu uu ku guul dareystay inuu dalka Soomaaliya u horseedo hanaan dib u heshiisiineed.
Full story
image

Qaraxyo khasaare nafeed geystay oo xalay ka dhacay magaalada Baled xaawo ee gobolka Gedi.

Inta la og yahay labo qof ayaa ku geeriyootay 9-kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib labo qarax oo is xigay oo xalay ka dhacay xarunta maamulka ee degmada Baled xaawo ee gobolka Gedo....
Full story
image

Maamulka islaamiga ee magaalada Kismaayo oo u digay kooxo falal dhac ah xiliyada habeenkii ka geysta magaalada Kismaayo.

Maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa uga digay kooxo falal amaan darro xiliyada habeenkii ah ka geysta xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose....
Full story
image

Xoogagga Al-shabaab oo xalay magaalada Marka ku xirxiray dad isticmaalayey wax yaabaha maanka dooriya.

Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay inka badan 15-qof ka qabqabtay gudaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose, kadib howlgallo ay xoogagga Al-shabaab ka sameeyeen xaafadaha magaalada Marka....
Full story
image

Urur goboleedka IGAD oo cunaqabateyn ku soo rogay madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf.

Dowladaha ku bohoobaty urur goboleedka IGAD ayaa cunaqabateyn ku soo rogay madaxweynaha dowladda KMG ah Col. C/laahi Yuusuf Axmed kadib kulan ay maanta wasiirada arrimaha dibadda IGAD ku yeesheen magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya....
Full story
image

Dowladda Itoobiya oo ku hanjabay inay ciidamadeeda si dhaqso ah ula bexeyso haddii aaney madaxda dowladda KMG ah khilaafkoda si dhaqso ah u xalin.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya Seyoum Mesfin ayaa sheegay in dowladda Itoobiya uu ka dhamaaday dulqaadkii oo wixii xiligaan ka dambeeya aaney ciidamadeedaku sii heyn karin gudaha dalka Soomaaliya....
Full story
image

R/wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi oo eedeyn u jeediyey xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya.

Cali maxamed Geedii oo horey mar R/waasre uga soo noqday dowladda KMG ah ayaa eedeyn balaaran u jeediyey xubnaha barlamaanka dowladda KMG ah, isagoo sheegay inay xagal daacinayaan xukuumadda R/wasaare Nuur Cadde....
Full story
image

Dowladda Mareykanka oo muwaadiniinteeda uga digtay inay safar ku tagaan dalalka Soomaaliya iyo Eretrea.

Dowladda Mareykanka ayaa uga digay muwaadiniinta u dhashay dalkeeda inaaney ku safrin dalalka Soomaalia iyo Eretrea cabsi laga qabo in la bartilmaameedsado awgeed....
Full story
image

Ururka Al-shabaab oo sheegay inay xalinayaan dib u heshiisiin dhex dhigayaan beelaha wada daga gobolka Sh/hoose.

Ururka hubeysan ee Al-shabaab oo inta badan la wareegay gacan ku heynta gobolka Sh/hoose ayaa sheegay inay dhexdhexaadinayaan oo ay dib u heshiisiin ka dhex abuurayaan beelaha is colaadsan ee wada daga gobolka Sh/hoose....
Full story
image

Dagaal xooggan oo galabta ka dhacay xarumaha Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo bexeysa dagaal qaraar oo galabta ka dhacay xarumaha Gaashaandhigga iyo xaruntii hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaas oo saaka uun ay fariisimo ciidan ka dhigteen ciidamada AMISOM....
Full story
Powered by Vivvo CMS v4.0