Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | Maqaalo | Aroos loo dhigay Daanyeero is-caashaqay ee ka dhacay Dalka Shiinaha

    Aroos loo dhigay Daanyeero is-caashaqay ee ka dhacay Dalka Shiinaha

    Font size: Enlarge font

    Aroos si weyn u soo jiitay Saxaafadaha Caalamka ayaa lagu qabtay xero xayawaanaadka lagu xanaaneeyo oo ku-taal dalka Shiinaha,laguna magacaabo (Wenling-Zoo).

    Xafladaan ayaa dadweynihii lagu casumay la-yaab iyo amakaag ku noqotay,kadib markii lagu wargeliyay,inay is-aroosayaan lamaane Daanyeero ah oo muddo dheer is-caashaqsanaa.

     Caruuska Daanyeerka labka ah ayaa lagu magacaabaa Wukong, da`diisana waxaa lagu qiyaasay 7-sanno-jir ah, halka lamaanaha ay is-calfadeen ee dhadigga ah lagu magacaabo Xiaoya, da`deedana lagu qiyaasay 6-sanno-jir.

    Caruuska iyo caruusadda ayaa loo labisay taajka iyo suudka ay caanka ku-yihiin dadka is-guursanaya, waxayna marti sharaftii xafladda arooska kasoo qayb gashay fajaciso iyo amakaag ku abuurtay qaabkii dharka loogu lebisay lamaanahan daanyeerada ah iyo weliba sida quruxda badan ee ay u jileen inay isku ekeysiiyaan nin iyo naag is guursanaya oo kale.

    Dadkii isku soo duba-riday qabsoomida Arooskan la yaabka-leh,ayaa sheegay inay ujeedadoodu tahay inay indhaha caalamka ku soo jeediyaan Xeradan la magac-baxday (Wenling-Zoo) oo ku-taal Gobolka Zhejiang ee dalka Shiinaha,si markaas ay xerada u soo booqdaan dalxiisayaal badan oo xiisaynaya arooska Daanyeerada.

    Xigasho: http://www.news.com.au/dailytelegraph/story

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    A.Raxiim on 09 September, 2008 09:11:26
    Reer Boondheere waxaa socotaanba maantaa aa waxaa noo keenteen...Labo daanyeer aa is aroosaayo miyaa? Wax kalena waan idinka sugeynaa sababtoo ah reer xamarkaa waxee ku maahmaahaan 'Ninkii Waaw Yiraahdo Us Lee Laga War Sugaa' marka Reer Boondheere soo wada sheekada waan idin sugeynaa.

    Kaasina wuxuu ahaa Anigoo idinkala soo xiriiraayo LIVE from Kismaayo.lol

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0