

Aroos loo dhigay Daanyeero is-caashaqay ee ka dhacay Dalka Shiinaha
Aroos si weyn u soo jiitay Saxaafadaha Caalamka ayaa lagu qabtay xero xayawaanaadka lagu xanaaneeyo oo ku-taal dalka Shiinaha,laguna magacaabo (Wenling-Zoo).
Xafladaan ayaa dadweynihii lagu casumay la-yaab iyo amakaag ku noqotay,kadib markii lagu wargeliyay,inay is-aroosayaan lamaane Daanyeero ah oo muddo dheer is-caashaqsanaa.
Caruuska Daanyeerka labka ah ayaa lagu magacaabaa Wukong, da`diisana waxaa lagu qiyaasay 7-sanno-jir ah, halka lamaanaha ay is-calfadeen ee dhadigga ah lagu magacaabo Xiaoya, da`deedana lagu qiyaasay 6-sanno-jir.
Caruuska iyo caruusadda ayaa loo labisay taajka iyo suudka ay caanka ku-yihiin dadka is-guursanaya, waxayna marti sharaftii xafladda arooska kasoo qayb gashay fajaciso iyo amakaag ku abuurtay qaabkii dharka loogu lebisay lamaanahan daanyeerada ah iyo weliba sida quruxda badan ee ay u jileen inay isku ekeysiiyaan nin iyo naag is guursanaya oo kale.
Dadkii isku soo duba-riday qabsoomida Arooskan la yaabka-leh,ayaa sheegay inay ujeedadoodu tahay inay indhaha caalamka ku soo jeediyaan Xeradan la magac-baxday (Wenling-Zoo) oo ku-taal Gobolka Zhejiang ee dalka Shiinaha,si markaas ay xerada u soo booqdaan dalxiisayaal badan oo xiisaynaya arooska Daanyeerada.
Xigasho: http://www.news.com.au/dailytelegraph/story
Comments (1 posted):
Kaasina wuxuu ahaa Anigoo idinkala soo xiriiraayo LIVE from Kismaayo.lol
Post your comment