

SOMALI WEEK TORONTO "FARIS SUPER STAR"
Tababare Abdalla Salah oo ku magac dheer Faris ayaa koobkii Somali Week ku guuleestay 7 jeer isagoo ka tirsan ciyaartooyda kooxda Banadir. Halka sannadkana uu koobkii 8aad ku qaatay isagoo tababaraha Banadir ah.
Faris waa ciyaartooyaga keliya ee tartanka Somali Week ka dhaliyay 9 Gool. Sannadkan ayaa ugu soo dhawaa in laga daba yimaado balse ciyaartooygii ku guuleestay tartanka dhaliyeyaasha wuxuu dhaafi waayey 8 gool.
Faris wuxuu sidoo kale laba jeer ku guuleestay MVP. Waxaa xusid mudan in kooxda Banadir koob ay qadaan ugu dambeeysay sannadkii 2005. Faris wuxuu ciyaaraha ka fariistay 2003.
Muddadii uu Faris ciyaaraha ka maqnaa Banadir hal jeer oo keliya ayay ku guulesteen koobkan. Iyagoo ciyaarta Finalka ay Windosr kaga badiyeen rigooreyaal (Penalty).
Shan sanno kadib ayaa Guddoomiyaha kooxda Bandir Nuuraaye is yiri bal Faris ku tijaabi inuu tababare isagoo ah koobka noo soo celin doono.
Go'aankan uu qaatay Guddoomiye Nuuraaye kuma qasaarin waayo Tababare Faris ayaa kalsoonidii guddoomiyaha ugu abaal gudday inuu Banadir mar kale koobka u soo celiyo.
Dhamaadkii ciyaarta finalka ayaa taageereyaasha Banadir iyagoo aad u faraxsan ku dhawaaqayeen ereyo ay ka midka yihiin: FARIS ARAGTAYAA KOOB ARAGTAYAA. FARIS SUPER STAR. FARIS SUPER STAR
Comments (0 posted):
Post your comment