

Cayaaraha Soomaliyeed ee qurbaha oo isku badaley siyaasad ama dhaqaale
Waxaa wax lala yaabo ah in odayaal Sport oo magac weyn ku lahaa dalkeena sida Macallin Ibraahim Suudaani , Cayaaryahankii hore kooxda Jeenyo Yusuf Shaqaaq ,Macallin Giftin laacibkii kubadda koleyga kooxdii badda iyo xulka Qaranka Soomaaliya Sheekha , Xuseen Bootaan (Isoomarey) Cabdirashiid Doob oo ah cayaaryahankii hore ee Basketballka iyo Khaliif Riiko oo ahaa cayaaryahan u cayaara kooxdii badda iyo xulka Qaranka Soomaliya in ay ku sugan yihiin maagalada Sockholm iyadoo ay halkaana ka socdaan laba tartan cayaareed oo midkood uu shalay furmay balse lagu wada dhigayo hal xaafad oo Soomalidu wada degto haddana aan ilaa iyo hadda aan ku soo xaadirin
garoonka kale ee uu ka socday tartan furmay 12 kii bishan July iyagoo og in ay cayaarahaa socdaan ayna ka socdaan meel halka ay joogaan u jirta 3 kilo mitir oo qura.
Dad fara badan oo ka tirsan bahda Sportiga Stockholm ayaa waxeey yaab iyo fajac ku noqotay in odayaal Sport oo ku nool dalalka reer galbeedka ha noqoto Canada ama USA ama England oo aysan dhib ku aheeyn ineey la soo baxaan Tikidh diyuurad oo ay ku yimaadaan magaalada Stockholm lagu afduubto Tikidh laga bixiyey oo sharaftii ay huwanaayeen ee Sport looga wasaqeeyo xoogaa dollar ah.
Miyeeysan ogeeyn in Afduubkan ay hore u diideen Allaha u naxariistee Aabihii Sportiga Nuur Xuseen Jeenyo iyo Cayaaryahankii weeynaa ee xulka Qaranka Soomaliya Maxamed Ismaaciil.
Maxamed Ismaaciil ayaan waxaa hore uga wada akhrisanay bogga Cayaaraha.com inuu yiri 20 ilaa 30 Pound sharafteeyda Sportinimo siisan maayo isagoo markaa u jeeday in aan tikidhkaa laga soo bixiyey lagu xukumin uusana tagi doonin meel khilaaf Sport ka jiro.
Nuur Jeenyo Allaha u naxaiistee ayaa sidoo kale diiday mar lagu yiri tartanka halkaa ka socda ha tagin anagaa tikidhka kaa soo bixinee taasoo uu ku gacanseeyray cadeeyeyna in sharafkiisa dadnimo , Sportinimo uusan siisaneeyn tikidh laga soo baxshay balse uu tagi doono meel kasta oo cayaaro Soomaliyeed lagu hayo maadama uu yahay oday Sport.
Hadii ay jirto in odayashan Sport ee ku sugan Stockholm isla markaana afduubka loogu heeysto garoonka ka mid ah labada garon ee ay cayaaruhu kasocdaan ayeey taasi waxeey noqon doontaa in ay odayaashan Sport qeyb ka noqon doonaan Khilaafka Sport ee ka taagan magaalada Stockholm iyadoo ay ku sifoobi doonaan ineey baasiin ku sii shubayaan meeel awalba holceeysay.
Talo uu so jeedinayo webkan Dayniile ayaa waxaan odayaashaa Sporti ee magaca iyo sharafka qaranka Soomaliyeed meel wanaagsan gaarsiiyey in aysan xilligan magacoodii wanaagsanaa ku wasaqeyn wax aan qofku sharafkiisa siisan karin.
Xafiiska war qabadka Dayniile
Muqdisho Somalia
Comments (0 posted):
Post your comment