Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | sports | Ururka SOBSI oo markii ugu horeysay tartan xiisa badan ku qabatey magaalada Gent dalka Biljamka.

    Ururka SOBSI oo markii ugu horeysay tartan xiisa badan ku qabatey magaalada Gent dalka Biljamka.

    Font size: Enlarge font

    Waxaa dalka Biljamka lagu qabtey tartan kubadda cagta ah oo loo qabtey jaaliyadda Soomaaliyeed  ee  ku nool wadanka Biljamka, tartankaas oo lagu qabtey magaalada Gent  socdayna labo maalmood ,ayaa waxaa ka soo qayb galay kooxaha kala ah:
    Sobsi (Gent), Antwerpen, Banadir, Kortrijk, Brussel iyo kooxda Hirda Holand oo lagu casumay tartanka.
     
    Tartankaan oo ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo lagu qabta dalka Biljamka ayaa ahaa mid ay xiisaynayeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee  ku nool dalka Biljam.
     


    Lixda kooxood ee ka qayb gashay tartanka ayaa loo qaybiyay labo qaybood, ugu dambayntiiina waxaa ciyaartii finalka is kugu soo baxay  Kooxaha  Antwerpen (Biljamka) iyo Kooxda Hirda( Holland).
     
    Ciyaartaas oo ahayd ciyaar aad u xiisa badnayd ayna labada kooxood ku soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo asluub ayaa 90-kii daqiiqo ciyaarta ay isla dhaafi waayeen  kooxda Antwerpen iyo Kooxda Hirda Holand barbar dhac hal Goal iyo hal Goal.
     
    Dabadadeedna waxaa la dhigay rigoorayaal si loogu kala baxo ciyaarta, taasoo ugu dambayntii ay ku dhamaatey 3 Goal  ay dhaliyaan kooxda Hirda halka kooxda Antwerpen ay guusha ku raacdo 4 Goal.
     
    Dadkii ka soo qayb galay tartanka ayaa dhamaantood farxad kala dareerey garoonka.
     
    Ururka SOBSI waa ururka ugu weyn Jaaliyada Soomaalida Biljamka isla markaana  ahaa ururkii soo qaban qaabiyay tartankaan ayaa habeenimadii ciyaarta kadib u sameeyay casho sharaf dhamaan kooxihii ka soo qayb galay tartanka, iyadoo halkaasina lagu gudoonsiiyay abaalmarinadii ay ka heleen kooxihii ka soo qayb galay.

     


     
    Mudane Cabdi Rashiid Ciise oo ahaa shaqsigii soo qaban qaabiyay tartankaan kana mid ah maamulayaasha ururka SOBSI ayaa ii sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sidii ay dhamaan kooxihii iyo dadkii ay ku casumeen ay kaga soo qayb galeen barnaamijkan qiimaha badan, isla markaana ay joogtayn doonaan qabashada tartamadaan oo kale mustaqbalka si ay u kordhiyaan is dhaxgalka bulshada ama dhalinyarada Soomaaliyeed ee  ku dhaqan dalka Biljamka iyo dalalka dariska la ah.
     
    Kooxda Hirda  Holand ayaa waxaa hogaaminayay Mudane Mohamed Baasawayne ayaa isna ka mahad celiyay sidii sharafta lahayd ee loogu soo dhaweeyay magaalada Gent isla  markaana sidii loo qabtey barnaamijka is dhaxgalka dhalinyarada, wuxuuna kooxda Sobsi iyo maamulkeeda ku casumay magaalada Amsterdam inay iyagana markooda soo booqdaan si loo sii xoojiyo xiriirka labada urur.
     
    Kooxaha Hirda Holland iyo  Sobsi Belguim ayaa labaduba ka mid ah dalada ururwaynaha EuroSom
     
    W/D; Yusuf Yusuf
    Secretary General of SSPA & Sports Editor
    [email protected]
    London - UK

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0