Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | sports | Xulka kubadda cagta jaaliyada Soomaalida London oo guulo ka soo hoyay koobka ‘’The Inner City World Cup 2008’’... Daawo

    Xulka kubadda cagta jaaliyada Soomaalida London oo guulo ka soo hoyay koobka ‘’The Inner City World Cup 2008’’... Daawo

    Font size: Enlarge font

    Koobka  The Inner City World Cup  waa  koob sanad walba lagu qabta bartamaha magaalada London garoon ku yaal xaafada Regents Park, waxaana ka soo qayb gala 32 kooxood oo ka dhisan magaalada London, isla markaana ka soo kala jeeda dadyoowga kala duwan ee ku dhaqan magaalada London, kuwaas kala yimid 32 dal .
     
    Ujeedada koobka loo qabta ayaa ah  sidii ay isku fahmi lahaayeen waxna u wada qabsan lahaayeen jaaliyadaha ku nool magaalada London.
    Jaaliyada Soomaalida London ayaa sanadkaan kaga qayb gashay koox  xul kubadd cag ah oo laga soo xulay ciyaartooyda ugu wanaagsan kooxaha Soomaalida ka dhisan magaalada London, si ay u matalaan Soomaaliya.
     
    Kooxda Soomaaliya ayaa ka mid noqotey qaybta E, tartanka isku aadka qaybta kowaad ee cayaaraha The Inner City World Cup 2008.
     
    Group E
    Bulgaria.
    China.
    Kuwait
    Somalia
     
    Sabti 6 September 08.  kooxda Somalia  ayaa ciyaarihii ugu horeeyay wareega kowaad  ka soo hoysay guulo wax ku ool  ah , iyadoo ay natiijadiina noqotey sidatan:
     
    Somalia           V            China                                                        3 –   0
    Somalia           V            Bulgaria                                                    3  –  1
    Somalia           V            Kuwait                                                      1  -- 1
     
    Kooxda Somalia ayaa u soo baxday wareegii labaad ee tartanka kadib markii ay 7 dhibcood iyo 7 Goal isu gayn la yimaadeen 3-dii ciyaarood ay dheleen is aragii kowaad qaybta E.
     
    Axad 7 September 08 Wareegii labaad tartanka kooxda Somalia waxay isku soo aadeen kooxaha kala ah Serralione iyo Pakistan, waxayna ku kala baxeen sidatan:
    Somalia                  V                      Serallione                             2 – 1
    Kooxda Somalia ayaa u soo baxday Quarter Finale kadib markii ay si sahal ah kaga adkaadeen kooxda Serallione oo la islahaa way u awood sheegan doonaan kooxda Somalia.
     
    Quarter Finale : Somalia iyo Pakistan.
     
    Labadan kooxood ayaa isku mari waayay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta   barbar dhac :
    Somalia                  V                     Pakistan                                1 – 1.
    Waxaana si caadadu ahayd loo dhigay rigoorayaal ama laad xor ah, taas oo u saamaxday in kooxda Somalia ay dhaliyaan 4 Goal  halka kooxda Pakistan ay dhaliyeen 2 Goal oo qura, sidaasna waxaa Semi Final ugu soo baxay xidigaha Somalia.

     


     
    Xulka Somalia ayaa ciyaartii Semi  Finalka waxay la dheleen kooxda Colombia, ciyaartaas oo xiisa gooni ah u lahayd dhamaan dadkii ka soo qayb galay intii uu socday tartankaan, madaama qaab ciyaareedka labadan kooxood ay aad isu shabahaan.
    Kooxda Somalia oo dadaal aad u dheer u soo gashay inay u soo baxaan Semi Finalka ayaanan u saamixin inay ka gudbaan kooxda Colombia oo ah koox aad u adag isla markaana sanadkii hore gaartey ilaa Finalka tartankaan.
    Ugu dambayntiina waxay ciyaartii ku soo gabagaboowday in xulka Somalia loogu awood sheegto 4 Goal halka ay Somalia-na dhaliyeen 2 Goal, run ahaantii markii aan qiimeeyay sida ay uga qayb galeen, xiliga tartanka la qabtey sanadkaan  iyo 32 dal ee ka qayb gashay inay ka galaan kaalinta afaraad(4) waxaan ku tilmaami karaa mid ay soo hoyeen da’yarta Soomaaliyeed guul aad u weyn oo mudan inaa ugu hambalyeyno, waayo kooxda Somalia iyagoo Sooman ayay waxay labo maalin oo isku xigta la baratameen  630 daqiiqo 7 kooxood oo ay ku jireen kooxo aan soomanayn sida China, Bulgaria iyo Colombia, hadana inay ka qayb galaan oo garaan ilaa kaalinta afaraad waa mid sharaf u ah dhamaan jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan magaalada London.
    Kooxda kubadda cagta Somalida London waxaa gudoomiye u ah Mudane Maxamed Buuwe oo ah nin dhiirigaliya had iyo goor dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Galbeedka magaalada London Zona Wembley & Stone Bridge Park.
    Waxaan halkaan hambalyo uga direynaa dhamaan ciyaartooyda kooxda Somalia iyo maamulayaashooda gaar ahaan
    Macalinka kooxda Ibraahim Amoore, Faysal Ducaale Agaasimaha kooxda, macalimiinta kala ah Bile Madbaco iyo Xasan Dhuudhi oo iyagana ahaa la taliyaal.
    Dhamaad.
    W / D : Yusuf Yusuf
    Secretary General of SSPA & Sports Editor
    [email protected]
    London
     

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0