Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | sports | Cayaaraha Soomaalida Qurba joogta baa toban sanadood jirsaday ?.

    Cayaaraha Soomaalida Qurba joogta baa toban sanadood jirsaday ?.

    Font size: Enlarge font

    Part 1:  Cayaaraha Soomaalida Qurba joogta  baa toban sanadood jirsaday ?.
     
    Soomaalida Qurba joogta ah ayaa u kala baxa noocyo badan isla markaana  waxaa jira kuwo loogu yeero bahda isboortiga kuna nool wadamada North Amerika & West Europe.
     
    Soomaalida  ku nool  dalalkaas kuwooda jecel cayaaraha, isla markaana horey uga tirsanaan jirey ciyaaryahanadii Soomaaliya ka soo ciyaari jirey, iyagoo kaashanaya jaaliyadaha Soomaalida ku dhaqan dalalka ay joogaan ayay bilaabeen inay qabtaan tartamo ay ku doonayeen inay ku soo celiyaan cayaaraha Soomaalida iyo is dhaxgalka bulshada sanadku markuu ahaa 1988 / 1999.
    Tartamadaas ayaa lagu qabtey kuwoodii ugu horeeyay magaalooyinka Toronto iyo Stockholm, waxaana ka qayb galay ciyaartooydii hore ee Soomaaliya, isla markaana waxay ahaayeen qaban qaabiyayaal iyo ciyaartooyba, si ay tusaale ugu noqdaan jiilka cusub .
     
    Tartamadaas ayay jeclaysteen dadkii Soomaaliyeed ee ku noolaa dalalka Yurub iyo North Amerika, waxana biloowday kooxo inay ka dhismaan dhamaan wadamada ay ku nool yihiin Soomaalida Qurba joogta ah, si ay uga qayb galaan tartamadaas, madaama loo arkay wax fiican oo anfacaya bulshada Soomaaliyeed, isla markaana isku keenaya dadka Soomaaliyeed, si loo helo Soomaali ka duwan  Soomaalida maanta oo ka caafimaad qabta cudurada dalkeena afeeyey.
     
    Dhawr sano markii lagu jirey is marxabayn iyo khilaaf yari ayaa waxaa soo ifbaxay in khilaaf uu soo kala dhaxgalo dadkii iska kaashaday suurtagalida qabashada tartamadaan, khilaafkaas oo ka dhashay :
     
    ·        Sida loo maamulayo ciyaaraha
    ·        Cida xaqa u leh go’aan ka gaaristeeda
     
    Sanadu markay ahayd 2002 ayaa si weyn la iskugu khilafay awoodaha iyo qaabka loo maamulayo tartamada ,sidaas ayayna ku kala tageen, ugu dambayntiina waxay noqdeen kooxo iska soo horjeeda oo u dhaqmaya sidii hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya.
     
    Waxaana biloowday is kooxaysi ku dhisan qaab qabiil, mid danaysi, si qolaba qolada kale u burburiso iyadana noqoto mida kaliya ee awooda u leh inay maamusho tartamada cayaaraha xagaaga, arinkaas oo gaarey in xataa wadan walba dhaxdiisa uu ka abuurmo is kooxaysi ku kala xiran maamulada is haya.
    Wadan walbana kooxii ka dhisnaa ayaa u kala qaybsamay ama u kala burburey si aad u xun ilaa la gaaro in dhalinyaradii la kala qaybiyo laguna abuuro isnacayb iyo tafaraaruq.
     
    Intaas kuma ekaanin khilaafkii ilaa waxa uu gaarey Soomaaliya, iyadoo casumaado loo kala direy xiriirada ka dhisan Soomaaliya kuwooda cayaaraha sida GOS iyo XSKC, si ay taageero iyo awood ugu yeeshaan xiriirada Soomaaliya, iyadoo la adeegsanaayo qaab walbo oo suurtagalin karta danaha kooxaha ku kala xiran kuwa is haya ama aan iraahdo shaqsiyaadka.
     
    Run ahaantii hadaa fiiriso sida xishood darada ah ay dhamaantood u sheeganayaan inay yihiin kuwa 10 sanadood jirsaday iyo sida xaqiiqda tahay iskuma dhawa, ma jiro urur 10 sano jiro ama 10 sano wada socday balse waxaa jira kuwa hab dhaqankoodu yahay iyo sida u hadlayaan leh hab dhaqanka hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya, waxaana ku cadaynayaa qoraalkeyga dambe hab dhismeedka ururada cayaaraha, marka ma jirto qolo 10 sanadood jirta oo wax muuqda qabatey oo lagu amaano, waxa kaliya ee aan oran karaa waa 10 sanadood oo qabqable Isboorti oo is colaadinya inay jireen dad ah halka inta badan aysan shaqo ku lahayn khilaafka, waxaanse muhiim ah in dhalinyarada Soomaaliyeed aysan is khilaafsanayn, taasna waxaa daliil u ah inay ka wada dheleen dhalinayarada meelaha lagu qabto tartamada is barbaryaaca oo dhan sida Canada, EuroSom, Seuki, Sweden.
    Waa nasiib xumo iyo doqonimo in loo dabaal dago ama loo sheego saxaafada in 10 sanadood oo horumar ah ay gaareen ururada lugooya da'yarta Soomaaliyeed ee ka dhisan North Amerika iyo Yurub dhamaantood.
    Ma jiro urur noo sheegi kara inuu hal wiil soo saarey oo maanta caalamka Soomaaliya ka matala oo aan ku faano.
     
    La soco Part 2 oo aan kaga hadli doono ururada iska soo horjeeda, sida ay u shaqeeyaan iyo meelaha ay ku kala xiran yihiin
     
    Yusuf Yusuf
     
    Secretary General of SSPA
                    &
    Sports Editor
    [email protected]
    London
    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    Axmed on 17 August, 2008 10:38:21
    CODSI LINK NOO SAMEEYAY WAAN SAMEENAY ANAG Boondheere.com

    WWW.DAAWO.NET

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0