Wariyayaal Faransiis Ah Oo Lagu Rasaaseeyay Boosaaso.
Boosaaso 30 Juun:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Laba saxafi oo u dhashey dalka Faransiiska ayaa Duhurnimadii maanta lagu weeraray agagaarka Hotel International Village ee magaalada Boosaaso, kooxahaasi soo weeraray Wariyeyaasha ayaa dooneysay in ay afduubtaan labadan Wariye oo howlo baaris ay oo ku aadan Kooxdaha Burcad badeedka degaanka ee Maraakiibta Afduubta iney barnaamij ka diyaariyaan iyo sidoo kale Maamulka degaanka iyo ku lug lahaanshahooda u jooga Boosaaso.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Maleeshiyada Puntland ee PSU oo ilaalada la socotay Wariyeyaashaas ayaa la sheegay iney qeyb ka ahaayeen kooxda weerarka soo qaaday, waxaan la sheegay in isku dhacaasi uu socday muddo daqiiqado ah ay socotay rasaasta ay isweydaarsanayaan kooxahaasi dooneysay afduubka ajaaniibtaasi iyo ciidamada PSU, waxaana dhaawac uu soo gaaray mid ka mid ah ciidamadii ilaalada Wariyeyaashaasi. Bile Qabowsade oo ah la taliyaha Madaxa Goboleedka Puntland oo la socday wariyeyaashan ayaa xaqiijiyay weerarkan isla markaana ay bad qabaan Wariyeyaasha Ajnabiga oo haatan xaruntii ay ku soo degeen ay k sugan yihiin
Madaxa Maleeshiyada Puntland Gaani ayaa sheegay iney Maleeshiyadiisu ku raad joogaan kuwii ka danbeeyay falkaasi lagu damacsanaa in lagu afduubto wariyeyaashaan isla markaana ay baaritaan xoogan ay wadaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.
Waxaa kaloo dhacdadan lagu wadaa iney ka hadlaan Madaxa Amaanka ee Maamul goboleedkaasi Cabdulaahi Saciid Samanatar iyo Madaxa maleeshiyaadka Puntland oo iyagu sheegay in ay aad ugu xun yihiin weerarkaasi lagu qaaday Wariyeyaasha dhashay dalka Faransiiska. Wariyayaashaan ayaa la sheegay iney baaritaano ku hayeen kooxdaha Burcad badeedka ee degaanka iyo xiriirka kala dhaxeeya Maamulka Goboleedkaasi, iyadoo inta badan lagu eedeeyay iney ku lug leeyihiin falalka Afduubka Maraakiibata ee xeebaha degaankaasi ku xeeran.
Comments (0 posted):
Post your comment