Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa fiidkii gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo maalinta berri ay uga qeyb galayaan shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD, kaasoo looga hadli doono xaalada siyaasadeed, mida ammaan ee dalalka Gobolka.
Wafdiga Madaxweyne Shariif ayaa waxaa ku wehliyay socdaalkiisa Wasiirka Gaashaandhiga ahna Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi, iyo saraakiil kale.
Ka sokow kulan madaxeedka IGAD ayaa waxaa kulmi doona Wasiirada Arrimo dibadeedka IGAD oo diyaarin doona ajandaha kulanka Madaxda IGAD ay qaadan doonaan, waxaana ka sii horeeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar.
Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa xubno dalalka Kenya, Sudan, Itoobiya, Uganda, Jabuuti, Soomaaliya, laakiin waxaa isaga baxday Dowladda Eritrea.
Ajandayaasha la filayo in looga hadlo kulanka IGAD ayaa waxaa qeyb ka noqon doona Arrinta Sudan iyo dagaalada ka soo cusboonaaday xadka ay wadaagaan Koofurta iyo Waqooyiga Sudan, iyadoo lagu wado in Ciidamo gaaraya 20-kun oo ka socda Dowladda Itoobiya la geeyo halkaas, kuwaasoo magaca Qaramada Midoobey ku howl geli doona