Linkz
  • Home | News | Dagaal Culus oo caawa mar kale dib kaga bilowday degmada Guriceel kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Itoobiyaanka iyo xoogaga hubeysan.

    Dagaal Culus oo caawa mar kale dib kaga bilowday degmada Guriceel kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Itoobiyaanka iyo xoogaga hubeysan.

    Font size: Enlarge font

    Dagaal Culus oo caawa mar kale dib kaga bilowday degmada Guriceel kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Itoobiyaanka iyo xoogaga hubeysan.


    Dagaal qaraar ayaa lagu soo waramaya in uu caawa dib kaga billowday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo ay ku hardamayaan xoogaga hubeysan iyo Ciidamada Itoobiyaanka ee dhawaan deegaankaasi fariisimo ka sameystay.

    Sida aanu kasoo xiganeyno ilo wareedyo muhim ah waxaa dagaalka caawa uu yahay mid xoogaa ka yara qabow kii xalay inkastoo Ciidamada Itoobiyaanka aysan waxba u reeban shacabka rayidka ah ee deegaankaasi ku nool.

    Dagaalka ayaa la sheegayaa in ciidamada Itoobiyaanka ay ku adeegsanayaan madaafiic ay si ba'an ula dhacayaan goobaha dadka rayidka ah walow ay inta badan dadkii rayidka ahaa magaalada ka barakaceen.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa la sheegayaa in ay weerar Culus ku qaadeen caawa fariisimaha ay duleedka degmada ka dageen Ciidamada Itoobiyaanka halkaasina uu ka dhacay dagaalka adag.

    Wixi kusoo kordha mar waliba la soco Boondheere.com

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    abdullah on 01 July, 2008 02:53:54
    that is enough

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
  • Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0