header
Search the Site   Advanced Search »
Sections
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031


Poll: Vote
boondheere website
Good
Very Good
Excelent
Bad
Very Bad
Poll results | Old polls


Email to a friend | Print version | Comments (0 posted)

Ra’iisul Wasaaraha Cusub oo kullan xasaasi ah la qaatay golaha Wasiirada Xukuumadii Farmaajo.

By boondheerelibaax on June 30,2024

Wararka ka imaanaya caasimada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in haatan kullan aan caadi ahayn oo albaabada u laaban xarunta Madaxtooyada Villa Somalia uga socdo golihii Wasiiradii hore Xukuumadii Farmaajo ee Is-casilay iyo Ra’iisul wasaaraha cusub Xukuumadda KMG ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamad Cali Gaas.

Kullanka oo ah mid loo diiday in ay ka qeyb gasho warbaahinta Muqdisho waxaa looga hadlayaa xaaladaha dalka Soomaaliya iyadoo diirada lagu saarayo soo xulida gole Wasiiro oo ka mid ah noqda Xukuumadda laga sugayo inuu soo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Cusub.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay kullanka oo wali socda, laakiin waxaa la filayaa marka uu soo gaba gaboobmo kadib saxaafada loo faah faahin doono natiijooyinka ka soo baxa kullankaasi oo ah mid aad u xasaasi ah.

Ugu danbeyntii kullankan ayaa imaanaya xili Ra’iisul Wasaaraha cusub Xukuumadda KMG Soomaaliya Dr. C/weli Maxamad Cali Gaas looga hadhiyo in ka yar 30 cesho gudahood inuu ku soo magacaabo Gole Wasiiro Waxtar leh, isla markaana ah kuwo tiro yar oo aan sidaasi u buurnayn.


115 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 (total 1 votes)
Comments (0 posted)
kids_learning_891332612

read_quraan2_478307109

prayer__time_531036670

bar_aljabra_165065489

baro_english_153740289

Most Commented
Most E-mailed
Featured Author