Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kaga dhawaaqay in C/wali Maxamed Gaas uu noqonayo raysal wasaaraha xiga ee dalka ka dib iscasilaadii raysal wasaarihii hore.
Xaflad balaaran oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ayna ka soo qeybgaleen madaxweyne Shariif, Afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan iyo Dr. C/wali ayaa si rasmi ah madaxweynuhu ugu dhawaaqay raysal wasaare Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas.
Ka dib la tashiyo iyo falanqeyn dheer waxaan goaansaday in C/wali aan u magacaabo raysal wasaaraha cusub ee dalka ayuu yiri madaxweyne Shariif.
Wuxuuna madaxweynuhu intaa u daray in C/wali uu yahay nin nadiif ah oo dadkuna jecel yihiin kana tirsanaa xukuumadii Raysal wasaare Farmaajo oo uu sheegay in horumar weyn dalka gaarsiisay
Dhageeyso