


Shariif Hassan iyo Cumar C.Sharmaarke oo wada Shirqool aay ku damacsan yihiin inaay xilka kaga turan Shiekh shariif (Daawo Dukumentiga)
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maalmiihii ugu dambeeyay waxaan soo shaac baxaayay mu'aamarado iyo shirqoolo ay ku damacsan yihiin iney xilka kaga qaadaan Madaxweynaha Dowlada KMg ah Sheekh Shariif oo la sheegay inuu wakhtigiisa inta badan siiyo sidii xarakada uu ka tirsan yahay ugu baahin lahaa mgaalaada, meelna iska dhigay arrimaha siyaasada, Labadaan Xubnood ayaa isku aragti ka noqday dastuurka qabyada ah ee dhawaan la sameeyey. Bal Nala Fiiri Nuqulka Hoose Ku xusan.
Qoraalo ay gooni-gooni ugu direen Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan beesha caalamka Hey'adaha UNDP & UNPOS ayey ku dalbadeen in dhaqaale loo oggolaado ay ku kala furdaamiyaan sidii Dastuurka looga ansixin lahaa Baarlamaanka & tiro ay diyaarsadeen oo isugu jirta Bulshada Rayidka, Odayaasha Dhaqanka, Ururada Haweenka & Dalada Culumaa'udiinka, waxeyna aad uga soo horjeedaan i aan loo qaadin afti dadweyne Dastuurkan.
Warqado isku si u qoran laakin la kala bedalay xafiisyada ayeey kala direen Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif xasan & Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Xafiisyada arrimaha Soomaaliya ee Qaraamada Midoobay, waxeyna kaga cosdsadeen in laga caawiyo sidii Dastuurka loo ansixin lahaa ka hor bisha February sanadka 2011-ka, iyadoo aan loo marin afti dadweyne, waxaana arrintaasi ku raacay afhayeenka Baarlamaanka oo sidaasi oo kale warqad uu u qoray Hay’adda UNDP ku codsaday in gacan laga siiyo ansixinta Baarlamaanka ee dastuurka cusub, iyadoo aan afti loo qaadin.
Warqadda Cumar C/rashiid uu qoray ujeedadeedu waxay aheyd in xukuumadda FKMG ay Qaramada Midoobey ka dalbanayso in laga caawino sidii looga gudbi lahaa nidaamka “Ku meel gaarka”, iyo sidii dastuurka cusub loo ansixin lahaa, waxana uu xoogga saaray sidii loo dhaqan gelin lahaa Dastuurka cusub, iyadoo aan loo qaadin Afti dadweyne, waxaana taas bedelkeeda uu dalbaday in laga caawiyo sidii dastuurkaasi ay u ansixin lahaayeen Baarlamaanka iyo tiro Baarlamaanaka la’eg oo ah bulshada rayidka ah.
Sida ku cad qoraalka Cumar Cabdirashiid waxa uu arrintaas ka yiri “Ansixinta Dastuurka waxaa ku cad in lagu ansixiyo afti guud oo dadweyne, laakiin xaaladda ammaan iyo siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya waxay ka dhigeysaa mid aan suurtagal ahayn in xaaalaadda jirta awgeed la qabto afti dadweyne, sidaas daraadeed waxaan raadinaynaa hab taas bedelkeeeda ah oo si dimoqraadi ah loo ansixiyo dastuurka, kaddibna la sameeyo dowlad cusub ee dastuurkaas hoos timaada, markii aan si aad ah u laafa gurnay oo daraasad ku samaynay waxay xukuumadda iyo baarlamaanku go’aansadeen in dastuurka lagu ansixiyo nidaam ah xubnaha Baarlamaanka iyo tiro la’eg oo ah bulshada rayidka ah, waxaana yoolkayagu yahay in dastuurka la ansixiyo ugu dambeyn Feruary 2011-ka,” ayu yiri Cumar C/rashiid.
Qodoabka labaad ee Warqadda ra’iisul wasaaraha Dowladda KMG waxa uu xoogga saaray sidii dowladda cusub loogu soo dhisi lahaa nidaam aan toos ahayn, ka hor inta aan lagaarin xilliga uu xukuumadda Federaalka xilku kaga egyahay oo ah August 2011-ka, qodobkaas waxa uu ku xusay in loo baahan yahay in nidaam aan tooska aheyn ee xukuumadda cusub lagu soo dhisayo in lagu qoro dastuurkan cusub.
Dhinaca kale afhayeenka Baarlamaanka Dowladda KMG Shariif Xasan Sh. Aaden ayaa ku yiri waqaddii u diray beesha caalamka “Ku Meel Gaarka” oo lagu tilmaamayey dhammaan xukuumadahii la soo sameeyey laga soo bilaabo 2000, oo loo gudbo nidaam dimoqraadi ah.
Afhayeenka Baarlamaanku waxana uu qoraalkiisa ku xoojiyey labadii qodob ee Cumar C/rashiid warqadiisa ku qoray ee ahaa in dastuurka cusub la ansixiyo, iyadoo aan loo marin afti dadweyne, balse ay ansixiyaan xildhibaanada Baarlamaanka iyo tiro la’eg oo ka socota bulshada rayidka ah ka hor Febraayo 2011. Sidaas oo kalena inta aan la gaarin Agoosto 2011-ka, iyadoo la marayo nidaam aan toos ahayn la soo dhiso dowlad {Indirect means of selection}, nidaamkaas cusubna lagu qoro dastuurka.
Comments (30 posted):
Post your comment