Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | sports | Soo dhaweeyn loo sameeyay macalin Abuukar Axmed Maxamed (Abuukar Shiino) Toronto Canada....

    Soo dhaweeyn loo sameeyay macalin Abuukar Axmed Maxamed (Abuukar Shiino) Toronto Canada....

    Font size: Enlarge font

    waxaa shalay markii aay taariikhu ahaayt June 29,08 xaflad soo dhaweeyn ah loo sameeyay macalin abuukar shino oo aad
    wada taqaanaan ahna ciyaartooy magac weeyn ku leh kubada kolayga ama "basketball" ee dalkeena hooyo. Abukar shiino
    oo qada sharaf weeyn  u sameeyay  dhamaan ciyaartooyda kubada kolayga ee somaliyeed gaar ahaan Macalin Baruuno,
    Macalin Abdi dheere, Mohamed faarax Qanbi, Abdulqadir jamac musse "Dhame", Ahmadeey B. Ahmed Tuke, Faarax oday,
    Osman Uuseey, Daauud ahmed dheere, Murshid, Ali gaab, Abdixakiin ooroow, Jamaala, iyo Anwar Thaabit..
    cayaar halkaasi ka dhacday ayaa odayaashii hore isku haleelay ka dib aay markii aay ukala baxeen labo tiim
    ayad moodaa in uu macalin abuukar uu wali is haaysto halkaasina uu ka muujiyay cayaar wanaagsan...

    macalin Abuukar: short History

    Abuukar Axmed Maxamed (Abuukar Shiino) Waxaa uu ku dhashay Gobolka Bay Apriil 8 deedii 1959kii,dabadeedna waxaa uu u soo wareegay degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka shabeelaha Hoose.
    Abuukar waxaa uu ka soo jeedaa Qoys beeraley ah oo caan ku ahaa xannanaynta digaaga,waxaana aad looga yaqaanay degmada Afgooye iyaga oo loogu yeeri jiray qoyskooda “ Dooraale”

    Abuukar waxaa uu ahaa Ciyaartooy, hase yeeshee waxaa uu u fakiri jiray qaab macallinimo marka uu ku dhex jiro garoonka iyo marka uu dibadda ka joogaba,marka aan dhinaca kale u fasiro waxaa uu ahaa macallin ku dhex jira ciyaartooyda oo taladiisa,aragtidiisa iyo saadaalintiisuba ay aad u qoto dheerayd,Sidoo kalena waxaa uu aad ugu xeeldheeraa inuu akhriyo ama darso kooxda ama ciyaartooyga ka soo horjeeda ee legdanku ka dhaxeeyo.

    Sidoo kale Abuukar waxaa uu ahaa ciyaaryahan geesi ah oo si aad ah ugu dhex muuqday kooxdiisa Muqdisho iyo xulka qarankaba iyo guud ahaanba garoomada lagu cayaaro Kubadda koleyga, waana shaqsi bashaash ah oo aad u furfuran, aadna u sheeko badan, isla markaana aad u jecel mar kasta inuu dhiirrigaliyo ciyaaryahannada yaryar ee soo koraysa.

    Waxyaabaha cajiibka ee saadaalinta ah ama ra’yiga wanaagsan oo guusha ama guuldarada noo horseeday oo anigu(Shiikha) ahaan aan aadka ugu xasuuto Abuukar Shiino muddadii aanu ka tirsanayn Xulka qaranka ee kubbadda koleyga ayaa waxaa ka mid ahaa:
    `
    1) Ciyaar ku tirsanayd isreebreebkii ciyaaraha All African Games oo lagu qabtay Muqdisho kaasi oo ay foodda is dareen xulalkii qaranka kubadda Koleyga ee Soomaaliya iyo xulka Masar oo ka mid ah dalalka Afrika ee lagu tiriyo inay ugu awoodda badan yihiin ciyaarta K/Kolyga, ayaa waqtigii nasashada (Half time) oo fikradaha la isku darayay ayuu Abuukar Fikir wacan soo jeediyay oo wuxuu yiri: Waxaa loo baahan yahay in la jabiyo qaab difaaceedka” Zone” ay ku ciyaarayaan kooxda Masar oo bannaanka loo soo saaro,sidaasi darteedna waxaa ila habboon in dhiirrigalin iyo kalsooni badan la siiyo ciyaartooydeena tuurashada ku fiican(shooters) ahaa oo kooxdii Soomaaliyeed ay wateen loona fasaxo inay tuuraan kubadaha sida: Dhamme iyo Shiikha. Arrintan iyada ah waxaa ay dhalisay in goolal badan aan dhalino oo darbigii adkaa ee Masar ay dhisteen la jabiyo. Waxaana daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaartu ay ka bixi wayday in marba koox ay hoggaanka qabato oo aakhiritaankiina ay guushii ku dambayso kooxdii Soomaaliyeed,Iyadoo aan filayo guushaasi inay ahayd markii ugu horraysay taariikhda oo xulkeenna Qaranka kubadda koleyga uu ka adkaado xulka Qaranka Masar.

    2) Ciyaarihii all African games wareeggii labaad oo lagu qabtay(Nairobi),ayaa waxaa isku wareeg noqday Somalia,Kenya,Zimbabwe, iyo Ivory Coast. Ciyaartii ugu horraysey waxaan si xarrago leh uga adkaanay Zimbaabwe. Ciyaartii labaad oo aan la lahayn Ivory Coast Ayuu Abuukar Shiino soo jeediyay fikrad aad u wanaagsan oo wuxuu yiri: ” Kooxda Ivory Coast Waa koox Culus,yaanan xoog badan la saarin in laga adkaado oo awood badan yaan lagu lumin, ama yuusan dhaawac nagu gaarin ee Ciyaarta aan la ciyaarayno Kenya aan xoogga saarno inaan adkaano si aan Semifinalka ugu soo gudubno”
    Fikraddan iyada ah waxaa ay dhalisay in ciyaartooydii intoodii badnayd ay ka caroodaan, tababarayaashiina ay diidmo la yimaadaan, Waxaase Maxsuulkii uu noqday markaan ciyaartaasi nafta dul dhignay in kooxdii Ivory Coast ay si dirqi ah nooga adkaadaan. Hase yeeshee arrinta cajiibka ah ayaa ahayd in xulkii Kenya oo aan is lahayn casir dheer ayaan duban doontaan in ay nooga adkaadaan 16 dhibcood,taasi oo amakaag iyo anfariir ku riday bulshada Soomaaliyeed ee jecel kubadda koleyga oo aan iyagu sinnaba ugu cuntamin guuldaradaasi.


    Abuukar waxbarashadiisu waxaa ay gaarsiisan tahay heer jaamacadeed,isaga oo ka baxay machadkii la oran jiray Sidam(Bachelor of Accountant) Abuukar haatan waa xaas leh 2 caruur ah ,waxaana uu ku nool yahay magaalada Ottawa ee dalka Canada.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    omar cade on 02 July, 2008 04:22:46
    waxaan halkan kasalamayanaa dhaman cayartodii hore ee kubada kolaga meelwaba oo joogan aniga iyo saxiibaday xasan muuse xasan iyo cadixalwo oo kuligen wada dagan oregon sidaas iyo nabadgalyo

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0