

Dagaal aad u qaraar oo ka qarxay duleedka mag. Baladweyne
Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay xoogaga islaamka iyo ciidamada Ethiopia ayaa saakay Aroortii hore ka qarxay deegaanka Qowlad oo qiyaastii ilaa 9KM dhinac waqooyi bari ka xigta Degmada B/weyne.
Iska hor imaadkan oo laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxaa diryanka rasaasta culculus laga maqlayay qeybo ka mid ah Magaalada B/weyne iyadoo ay jiraan qasaarooyin soo kal gaaray labada dhina balse aan la o gaan karin qasaarahaasi inta uu la egyahay.
Xoogaga islaamka ee dagaalka kula jiray ciidamada Ethiopianka ayaa dib u gurasho sameeyay ka dib markii ciidamada Ethiopianka ay isticmaaleen hub culus sida rasaasta ka dhacdo Qoriga BMka oo ay ku garaaceen goobaha u dhaw dhaw halka uu dagaalka ka dhacay sida uu inoo xaqiijiyay sarkaal ka tirsan maxkamada islaamka waxaana haatan ay ku sugan yihiin ciidamada maxkamadaha deegaanka Beerxaano oo ka tirsan Gobolka Hiiraan walow qaar ka mid ah ciidamadu ay hor fadhiyaan Ethiopianka sida warku uu leeyahay.
Dagaalka oo saacado badan socday ayaa haatan istaagay haseyeeshee waxaa la maqlayaa rasaas goos goos ah oo mararka qaar dhaceyso taasoo loo maleynayo in ay ridayaan ciidamada Ethiopianka kuwaasoo cidii ay arkaan maanta oo kale tooganayo.
Si kastaba ciidamada Ethiopianka ayaa haatan u soo dhawaaday Magaalada B/weyne waxaana la sheegayaa in ay soo gaareen meel wax yar u jirta buurto janto-kundisho oo ah goobtii markii hore ay ka guureen 6 maalin ka hor.
Dagaalkan ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka gobolada dhexe iyadoo dad badan oo rayid ah labadii maalin ee ugu dambeysay uu dagaalku socday ku nafwaayeen kuwa badan ay ku dhaawacmeen sida uu warku sheegayo inkastoo dadkii ka bara kacay dagaaladaasi ka dhacay Degmooyinka Matabaan iyo Guri-ceel ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ay dib ugu soo laabreen guryahooda.
Dadka ku dhaqan Magaalada B/weyne ayaa wal wal iyo cabsi xoogan ka muujiyay Dagaaladan iyo ciidamada Ethiopianka ah ee mar kale ku soo laabtay Deegaankooda waxaana haatan Magaalada laga dareemayaa qal qal iyo jahwareer iyadoo dhamaan Goobaha Ganacsiga iyo Adeegii kale ee Dad weynahana ay maanta wada xiran yihiin.
Ugu dambeyn ciidamada Ethiopianak oo safar Dagaal iyo Shida badan ka dib soo gaaray Gobolka Hiiraan ayaan la ogeyn waxa ay fali doonaan iyadoo ay caado u tahay in ay markan oo kale xasuus iyo tacadiyo kula kacaan dadka rayidka ah.
Comments (2 posted):
walaalaha mujaahidiinta waxaan ALLE ugu baryayaa inuu guul iyo nasri degdeg ah siiyo,galaduna ay ku jabaan jihaad waliboo ay galaan.
Ilaahey NAARTII ABAAL HA KAAGA DHIGO, MUNAAFAQ YAHOW TUUGA AH, oo Suldaanimada sheeganaya.
Mooryaan un baad tahay Koofiyad soo xirtay.
Post your comment