Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Maxkamadaha Islaamka oo sameystay website ku hadla afkooda.

    Maxkamadaha Islaamka oo sameystay website ku hadla afkooda.

    Font size: Enlarge font

    Maxkamadaha Islaamka ayaa waxa ay maalinimadii shalay shaaciyeen in ay sameysteen Website ku hadla afkooda, kaas oo ay ku soo gudbiyaan Fikradahooda, weerarada ay qaadaan iyo waliba Warsaxaafadeedyadooda.

    Webseedkaan ayaa noqonaya kii labaad oo ay Midowga Maxkamadaha yeeshaan, kadib markii uu bur buray Webkii ay sameysteen xiligii magaalada Muqdisho iyo meelo badan ay ka talinayeen ee ahaa www.midowgamaxkamadaha.com ayay hadana Golaha Midowga Maxkamadaha Islaamka sameysteen web lagu magacaabo www.almaxaakim.com .

    Warar la helay ayaa sheegaya in webkaan ay sameysteen xubnaha ugu sareeya Midowga Maxkamadaha ee taageersan garbka Jabuuti sida Sheekh C/qaadir Cali Cumar, Max'ed Maxamuud (Cagaweyne), waxaana la sheegayaa in webkaan ay ka madax banaan yihiin xubnaha kale ee ka tirsan Midowga Maxkamadaha ee dhawaan shaaciyay in ay ka madax banaan yihiin Isbaheysiga garabyadiis oo dhan.

    Si kastaba ha ahaatee waxaa horay website afkooda ku hadla u sameystay Xarkada Al-shabaab ee iyagu ka mid ah Xoogagga ka dagaalama dalka Soomaaliya.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0