Dhoobleey – Dagaal xoogan oo u dhaxeeyo Ciidamada DKMG iyo Raaskambooni oo isku dhinaca ah iyo Xarakada Al-Shabaab ayaa ku dhexmaray degmada Dhooblay ee gobalka Jubadda hoose.
Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan isla markaana la isku adeegsanayay hubka aadka u culus, wuxuuna saacado ka hor dagaalka ka bilowday degmada Dhoobley.
Xarakada Al-Shabaaba aya weerar gaadmo ah ku soo qaatay fariisimo Ciidamada DKMS ay ku layaayeen degmada Dhoobley, isla maraakana ay iska caabiyeen Xarakada Al-Shabaab.
Wax war ah laga mehelin qasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamayo iyo waliba dadka rayidka ah, Dagaalka ayaa wali ka soconayo degmada Dhooblay ee gobalka Jubadda hoose, Ilaa iminka ma jiraan cid si cad u sheegatay gacan ku haynta degmadaasi.
Isku day aan sameenay ayaa noosura gali wayday in aan la xiriirno dhinacyada gadaalamayo, wallow ay isgaarsiinta halkaasi ay ka maqantahay hawada.