Ceelbuur – Doqeyn ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacday degmada Ceelbuur ee ka tirsan gobalka Galgaduud.
Waxaa la sheegayaa in duqeyntaasi lala beegsaday saldhiga degmada Ceelbuur iyo bar fariisin u ahayd Ciidamada Al-Shabaab.
Ilaa iminka laga ma helin wax faahfaahin ah, wallow ay hawada ka maqantahay Isgaarsiinta Gobalka Galgaduud iyo waliba degmada Ceelbuur.
Ma ahan markii ugu horeysan ay duqeyn noocaani oo kale ah ka dhacdo gudaha dalka Soomaaliya, kol hore ayay ahayd mar duqeyn noocaani oo kale lala eegtay goobaha ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-Shabaab.
Wixii intaasi ku soo kordho kala soco wararkeena danbe