


Daawo Madaxweynaha Yeman Sida Uu U Xasuuqay Jamcadii Shacabka Yeman Oo Xataa Masaajida Lagu Dhexlaayey
Salaaddii jamce maalintii shalay ahayd, waxaa isku soo baxay kumanaan qof oo leh Cali Cabdalla Salaax hadhaco kaligiis talis doonimayno, shacabkii waxaa lala dhacay rasaas waxaa la dilay 46 qof in ka badan, sidoo kale waxaa lagu dhex xasuuqay masaajida, maydadkii ayaa waxaa la iskugu geeyey Masaajida weyn ee caasumada Sanca, maydadka waxaa laabta loo saaray Kitaabka Quraanka ah, Imaamyada Masaajida ayaa leh hadda qofkii banaan baxa ku dhinta waa shihiid, marka soo kuuma cada shacabka Bakaaraha lagu xasuuqaya in ay shuhado yihiin.
Nasrigii ayaa soo dhow, shacuubta muslimiinta ahna waa ogaadeen cadowgoodu in uu yahay munaafiq dabadhilif iyo wadaad xume, waxay diyaar u yihiin in ay difaacaan diintooda, ama ay is badal helaan, waxaa hadda xaqqii cadaynaya culimo badan oo aan awal inta shacabku aamusnaa kudhici waayey in ay shahiid ku sheegaan qofkii Cali Cabdallah Salaax dilo, marka wadaad in uu baqo oo biiqo waxaa cadaynaya ifa faalaha muuqda. Xataa shacabku waxay diideen in lagu qaado baabuurta dhaacawa la saaro, waayo qofkii dhaawaca dowladda ayaa xabsiga u taxaabaysa, marka maydkooda iyo dhaawacooda shacabku waa qaadanayeen.
Hoos ka Daawo sida shacabka Yaman loo xasuuqay aljazeera.net
Comments (3 posted):
Post your comment