citizen_709627969.jpg Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
  • Home | Video | Raisalwasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Mahinga ayaa khudbad ka akhriyey xurunta Qaramada midoobay ee Newyork (Daawo Video)

    Raisalwasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Mahinga ayaa khudbad ka akhriyey xurunta Qaramada midoobay ee Newyork (Daawo Video)

    Font size: Enlarge font

    Raisalwasaaraha DFKMG  Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Mahinga ayaa khudbad ka akhriyey xurunta Qaramada midoobay ee Newyork, Farmaajo wuxuu waraaqdii la akhrin waayey gariir iyo baqdin wuxuuna sheegay Al shabaab haddii aysan awood ciidan iyo mid dhaqaalo aysan helin in aysan iska dhicin karin, waxaa hadaladiisii siyaasadda caalamka ka jirta wax u dhimaya kamid ahaa “We need Support Now Now, Taageero ayaan u baahan nahay hadda hadda, Farmaajo wuxuu sheegay in Ciidamo loogu tababarayo dalka Uganda.

    Sidoo kale Farmaajo oo Shirjaraa’id qabtay waxaa lagu weydiiyey shirkadaha calooshood u shaqaystayaasha ah cidda keentay Soomaliya wuxuuna ku jawaabay in baaritaan uusocdo xafiiskana uu ku cusub yahay balse kama jawaabin Su’aashii Yoweri Museveni walaalkiis in uu kamid yahay masuuliyiinta shirkadaha Colooshood u shaqaystayaashaa, Khudabadiisa wuxuu ku sheegay Farmaajo in Qabuuriyiinta loo yaqaano Ahlu sunna ay xiriir fiican ay leeyihiin isla markaana ay ku jiraan maamulkiisa sida taliya kuxigeenka ciidamada,

    Mahinga ayaa asna sheegay in uu dhowr jeer tagay Caasumadda Soomaliya isla markaana loo baahan yahay in wax laga qabto khatarta xarakada al shabaab wuxuu intaas ku daray Mahinga oo ku faanaya shaqada uusoo qabtay iyo goobaha uu ka soo shaqeeyey in Farmaajana uu wado oo uu joogo goobta ay shayaadiintu iskugu yimaadeen, Qaramada midoobay xal uma hayaan Soomaliya mana rabaa in ay nabad ka dhacdo taasna waxaa daliil u ah Ciidamada xanuusan ee Afrikaanka ah iyo badda Soomaliyeed ee Sunta lagu shubayo.

    Bal aan isdultaagno ilaahay wuxuu ka leeyahay kulamada noocaan oo kalaa..

    Waxaa qofkasta og yahay ilaahay cid kabadisa addoomadiisa in aysan jirin, haddaba allah wuxuu leeyahay,

    (وَلَوۡ أَنَّنَا نَزَّلۡنَآ إِلَيۡہِمُ ٱلۡمَلَـٰٓٮِٕڪَةَ وَكَلَّمَهُمُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَحَشَرۡنَا عَلَيۡہِمۡ كُلَّ شَىۡءٍ۬ قُبُلاً۬ مَّا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُوٓاْ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ وَلَـٰكِنَّ أَڪۡثَرَهُمۡ يَجۡهَلُونَ)

    Haddii aan malaa’ig soo dajin lahayn ama dadka dhintay ay hadli lahaayeen, ama aan waxkastana kulmin lahayn dharaar, ma aysan rumeeyeen in allah idmo mooyaane, maxaa yeelay badankoodu waajaahiliin.

    (وَكَذَٲلِكَ جَعَلۡنَا لِكُلِّ نَبِىٍّ عَدُوًّ۬ا شَيَـٰطِينَ ٱلۡإِنسِ وَٱلۡجِنِّ يُوحِى بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٍ۬ زُخۡرُفَ ٱلۡقَوۡلِ غُرُورً۬ا‌ۚ وَلَوۡ شَآءَ رَبُّكَ مَا فَعَلُوهُ‌ۖ فَذَرۡهُمۡ وَمَا يَفۡتَرُونَ ) Sidaas darteed ayaan Nabi kasta waxaan cadowga oga dhignay shayaadiinta kuwaas oo ah Jinni iyo Insi (dad) kuwaas oo qaarba qaarka kale u sheegay qusacbalaad iyo hadalo la qurxiyey, haddii ilaahay dooni lahaa ma aysan saas sameeyeen, iskaga tag waxay samaynayaan iyo been abuurkooda ayaa allah ku soo gaba gabeeyey.

    Marka Kitaabka Quraa’nku ma ahan mid guryaha la iska dhigto ama markii la arko la dhunkado, waxkasta oo ku qoran maalinkasta ayaan aragnaa marka shayaadiintii Insiga iyo insaanka lahaa waa Farmaajo iyo Mahinga, beentuna waa waxa ay akhrinayaan qowda maqashii waxba ha u qaban. waxaa kaloo ku cad aayaadka allah in ilbaxnimada laga soo gaaray shayaadiinta ay kamid tahay in ay kala warqaataan, oo isku waramaan, haddana been isku dhuraan,

    Aayaadkaan qolyaha sixirka isticmaasha ama shayaadiinta adeegsata ayey ka hadlayaan laakiin hanacasoomin ha halmaamin in uu khudbadiisa ku sheegay Farmaayo suufiyada in ay ku jiraan xukuumadiisa iskuna fiican yihiin marka waa shayaadiin shayaadiin lagu daray oo insi iyo jinni la isku keenay, ilaahay ka magan gala kana cowdi bilaysta, Acuudi bilaah.

    FG: Somalimidnimo ayaa ildheer ku haysa Farmaajo in uu imaanayo Gobalka Minnesota iyo in kale, koley waxaa caddahay cidda soo dhaweynaysa waa wadaadxumo iyo dadkii Kaniisadaha galay, Tolow masii C/laahi Yuusuf ayaa Barbaarshe loo qaadayaa, Odayaasha xaafadda Ceder yaa shirqoolay mase ka badbaadayaan shirqoolka labaad dhawaan ayaan ka hadlay sheeko xiisa leh.

     

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (11 posted):

    shoople on 14 January, 2011 08:21:56
    Abshir ALLAH maanta Ra'iisul Wazirka waxoow hor stagay oo qudbo qiima leh ka akriyaay Golaha Qaramada Midow. Farmajo waxow kashanaayay aqontiisa iyo tan golaha wasiirada. Waxoow Farmaajo ka hadlay baahida dalkiisa iyo dadkiisa haysato iyo dagaalka eey kula jiraan Al-qacida iyo wanaag diidka. Ra'iisul Wazirka waxow mujiyay 99% dadka Somaliyeed darenkoda ku aadan la dagaalanka fikradaha waalida wataan oo ka imaanayo wadamada carabta iyo in eey diyaar u yihiin in dalkoda dib udhistaan oo si wadajir ah nabada lo so celiyo.
    jaabir on 15 January, 2011 12:09:13
    kkkkkk kkkkkkkkk shoople walaahi miskiin inaad tahay ayaad iisheegtay warhooy midkaan aad leedahay ra,isulwazaare kuwa kahoreeyey ayaa horey uga soo jeediyey khudbado kala duwan meeshaan lashoho qaruumaha madoobe oo hadana meel ay kudambeyaan aan lagaran kadib markii xamar xoog laaga saaray marka waxaan kuleeyahay m waxaan wax cusub maha,an ee adigey kula cusub yihiin mujaahidiintuna allaaha dhowree wey kadharagsan yihiiin waxey soo wadaan ee waxaan kuleeyahay MURTAD MALAF KAMAARMIMAA MUJAAHIDNA MOWLIHIS
    Daacad on 15 January, 2011 01:44:38
    Waxaan kuqaldamay wabkan waxaan mooday wababkii wadaniga ahaa,ilaawuxu, waa,indhacade .com wale, wardanbe, kaama, sowdoondho, iga , tag
    Daacad on 15 January, 2011 01:44:38
    Waxaan kuqaldamay wabkan waxaan mooday wababkii wadaniga ahaa,ilaawuxu, waa,indhacade .com wale, wardanbe, kaama, sowdoondho, iga , tag
    Abdulla Aw Ali on 15 January, 2011 06:45:24
    a.s.c.waa markii iigu horeysay ee aan arko ama aan dareemo W/seedka BUNDHERE in uu ku hadlo afka shayaadiinta la magac baxay SHABAB oo waaba ina GUDANE qarsoon.W/sedkaana waa in talo laga qabto waaba murtidiin cadeysatay oo aan geed ku soo gaban.raga W/kaan iska leh waa rag caloshod u shaqeystayaal u kireysan ASHIYANKA ku soo duulay dalka oo xoogaa yar u daadiya sidii digaagada.mida kale waaba rag aan la socon waxa ka jira dalka iyo dadkiiba oo ey diidan yihiin in lala gaaro gar gaar dadka ku tabaaleysan miyi iyo magaalo u dhimanaya baahi iyo haraad waxaas bey la safteen kuwa iska leh W/seedkan oo aan filayo in aaney somaliba aheyn jir naxana ku olin lakiin waa leys xisaabin adun iyo akhiraba ee taa ku seexda bidnilaahi kariim.
    Omar on 15 January, 2011 04:17:25
    Jaabir idiga muskiin matihidmiya?
    Waxaa isku xaqijisay sida ay sheegeysay Maryan Mudeey in aad tahay ibliis.
    Ali on 16 January, 2011 01:18:58
    Mahadi hakaarto Illah waxaan kumahadinaya guushe uu siiyay in uu isusooxulo dowlad ay hormood kayeheen aqoonyahan kanakoban aqoonyahano Somaliyeed in ay isladadihinayaan masiirka shacabka Somaliyeed.
    nabad doon on 16 January, 2011 02:19:33
    Nabad Alow, Nabad Alow Nabad,alow nabad
    ma ogtihiin in nabadda ay dadka qaar dhibto oo ay nabad la'aanta ka taajireen oo nabad la aanta dan ugu jirto, oo nabad ay maqlikarin.........
    nabad alow nabad alow soomaaliya nabad.
    jaabir on 17 January, 2011 12:00:16
    ninkaan farmaajo uma tagin mareykanka iney somaliya noqoto meel nabad ah ee wuxuu utagay inuu kusoo tuugsado magaca alshabab iyo alqaacida sida nimankii asiga kahoreeyeen oo kale sida c/laahi yuusuf iyo cali maxamed geedi si,u lacag ugu helo magaca alshabaab kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk marka waxaan idiin sheegayaa qofka nabada diidan waa midkaan gaalada gacanta uhoorsanaayo si,uu dantiisa gaar ahaaneed uu ugaaro dadka nabada udiyaar ah waa dadka heystaan gobolada intooda badan oo kadhaliyey nabad iyo amni lagu diirsado marka mareykanka intaasi ayuusan ogoleen ee istartiibiya carabtu waxey dhahdaa leysal khabaru kalmucaayanah hala taageero mujaahidiinta oo hilfaha uqaaday mooryaantii dadka dhici jirtay
    somali on 07 February, 2011 08:50:54
    xerta waad salaaman tihiin.
    dhawr su aalood oo toban sanadood aan jawaab u doonayey fadlan iga caawiya
    1 dagaalada somalia ka socdaa ujeedadoodu waamaxay
    2 waamaxay qalalaasaha somali faa iidada calamkakale ugu jirtaa
    3 islamiyiinta somalia haday dalka qabsadaan qaylada calamka meel iga dhigoo maxaa somalida kaga xumaanaya
    4 igadaa xasad,qabyalad,gobolaysi,ninjeclaysi,waa maxay xalka somalia xalada aynu maanta taaganahay
    mahadsanidin
    Nike Air Max 90 on 30 March, 2011 07:28:40
    Great post. I appreciate you bringing this forward.

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    Tags
    No tags for this article
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0