


Raisalwasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Mahinga ayaa khudbad ka akhriyey xurunta Qaramada midoobay ee Newyork (Daawo Video)
Raisalwasaaraha DFKMG Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Mahinga ayaa khudbad ka akhriyey xurunta Qaramada midoobay ee Newyork, Farmaajo wuxuu waraaqdii la akhrin waayey gariir iyo baqdin wuxuuna sheegay Al shabaab haddii aysan awood ciidan iyo mid dhaqaalo aysan helin in aysan iska dhicin karin, waxaa hadaladiisii siyaasadda caalamka ka jirta wax u dhimaya kamid ahaa “We need Support Now Now, Taageero ayaan u baahan nahay hadda hadda, Farmaajo wuxuu sheegay in Ciidamo loogu tababarayo dalka Uganda.
Sidoo kale Farmaajo oo Shirjaraa’id qabtay waxaa lagu weydiiyey shirkadaha calooshood u shaqaystayaasha ah cidda keentay Soomaliya wuxuuna ku jawaabay in baaritaan uusocdo xafiiskana uu ku cusub yahay balse kama jawaabin Su’aashii Yoweri Museveni walaalkiis in uu kamid yahay masuuliyiinta shirkadaha Colooshood u shaqaystayaashaa, Khudabadiisa wuxuu ku sheegay Farmaajo in Qabuuriyiinta loo yaqaano Ahlu sunna ay xiriir fiican ay leeyihiin isla markaana ay ku jiraan maamulkiisa sida taliya kuxigeenka ciidamada,
Mahinga ayaa asna sheegay in uu dhowr jeer tagay Caasumadda Soomaliya isla markaana loo baahan yahay in wax laga qabto khatarta xarakada al shabaab wuxuu intaas ku daray Mahinga oo ku faanaya shaqada uusoo qabtay iyo goobaha uu ka soo shaqeeyey in Farmaajana uu wado oo uu joogo goobta ay shayaadiintu iskugu yimaadeen, Qaramada midoobay xal uma hayaan Soomaliya mana rabaa in ay nabad ka dhacdo taasna waxaa daliil u ah Ciidamada xanuusan ee Afrikaanka ah iyo badda Soomaliyeed ee Sunta lagu shubayo.
Bal aan isdultaagno ilaahay wuxuu ka leeyahay kulamada noocaan oo kalaa..
Waxaa qofkasta og yahay ilaahay cid kabadisa addoomadiisa in aysan jirin, haddaba allah wuxuu leeyahay,
(وَلَوۡ أَنَّنَا نَزَّلۡنَآ إِلَيۡہِمُ ٱلۡمَلَـٰٓٮِٕڪَةَ وَكَلَّمَهُمُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَحَشَرۡنَا عَلَيۡہِمۡ كُلَّ شَىۡءٍ۬ قُبُلاً۬ مَّا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُوٓاْ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ وَلَـٰكِنَّ أَڪۡثَرَهُمۡ يَجۡهَلُونَ)
Haddii aan malaa’ig soo dajin lahayn ama dadka dhintay ay hadli lahaayeen, ama aan waxkastana kulmin lahayn dharaar, ma aysan rumeeyeen in allah idmo mooyaane, maxaa yeelay badankoodu waajaahiliin.
(وَكَذَٲلِكَ جَعَلۡنَا لِكُلِّ نَبِىٍّ عَدُوًّ۬ا شَيَـٰطِينَ ٱلۡإِنسِ وَٱلۡجِنِّ يُوحِى بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٍ۬ زُخۡرُفَ ٱلۡقَوۡلِ غُرُورً۬اۚ وَلَوۡ شَآءَ رَبُّكَ مَا فَعَلُوهُۖ فَذَرۡهُمۡ وَمَا يَفۡتَرُونَ ) Sidaas darteed ayaan Nabi kasta waxaan cadowga oga dhignay shayaadiinta kuwaas oo ah Jinni iyo Insi (dad) kuwaas oo qaarba qaarka kale u sheegay qusacbalaad iyo hadalo la qurxiyey, haddii ilaahay dooni lahaa ma aysan saas sameeyeen, iskaga tag waxay samaynayaan iyo been abuurkooda ayaa allah ku soo gaba gabeeyey.
Marka Kitaabka Quraa’nku ma ahan mid guryaha la iska dhigto ama markii la arko la dhunkado, waxkasta oo ku qoran maalinkasta ayaan aragnaa marka shayaadiintii Insiga iyo insaanka lahaa waa Farmaajo iyo Mahinga, beentuna waa waxa ay akhrinayaan qowda maqashii waxba ha u qaban. waxaa kaloo ku cad aayaadka allah in ilbaxnimada laga soo gaaray shayaadiinta ay kamid tahay in ay kala warqaataan, oo isku waramaan, haddana been isku dhuraan,
Aayaadkaan qolyaha sixirka isticmaasha ama shayaadiinta adeegsata ayey ka hadlayaan laakiin hanacasoomin ha halmaamin in uu khudbadiisa ku sheegay Farmaayo suufiyada in ay ku jiraan xukuumadiisa iskuna fiican yihiin marka waa shayaadiin shayaadiin lagu daray oo insi iyo jinni la isku keenay, ilaahay ka magan gala kana cowdi bilaysta, Acuudi bilaah.
FG: Somalimidnimo ayaa ildheer ku haysa Farmaajo in uu imaanayo Gobalka Minnesota iyo in kale, koley waxaa caddahay cidda soo dhaweynaysa waa wadaadxumo iyo dadkii Kaniisadaha galay, Tolow masii C/laahi Yuusuf ayaa Barbaarshe loo qaadayaa, Odayaasha xaafadda Ceder yaa shirqoolay mase ka badbaadayaan shirqoolka labaad dhawaan ayaan ka hadlay sheeko xiisa leh.
Comments (11 posted):
Waxaa isku xaqijisay sida ay sheegeysay Maryan Mudeey in aad tahay ibliis.
ma ogtihiin in nabadda ay dadka qaar dhibto oo ay nabad la'aanta ka taajireen oo nabad la aanta dan ugu jirto, oo nabad ay maqlikarin.........
nabad alow nabad alow soomaaliya nabad.
dhawr su aalood oo toban sanadood aan jawaab u doonayey fadlan iga caawiya
1 dagaalada somalia ka socdaa ujeedadoodu waamaxay
2 waamaxay qalalaasaha somali faa iidada calamkakale ugu jirtaa
3 islamiyiinta somalia haday dalka qabsadaan qaylada calamka meel iga dhigoo maxaa somalida kaga xumaanaya
4 igadaa xasad,qabyalad,gobolaysi,ninjeclaysi,waa maxay xalka somalia xalada aynu maanta taaganahay
mahadsanidin
Post your comment