Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka Kenya kulamo kula leh xubnaha beesha caalamka ah.

    Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka Kenya kulamo kula leh xubnaha beesha caalamka ah.

    Font size: Enlarge font

    Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed guddoomiyaha isbeheysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulamo kula leh xubno katirsan beesha caalamka.

    Wafdiga Sheekh Shariif oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa kulamo gaar gaar ah la leh xubnaha beesha caalamka oo la sheegay inay kala hadlayaan sidii loo meel marin lahaa heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti.

    Prof. Maxamed cabdi Gaandi oo kamid ah xubnaha wafdiga ee ku sugan magaalada Nairobi ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedada ay u joogaan dalka Kenya ay tahay sidii ay xubnaha beesha caalamka ugala hadli lahayeen arrimo badan oo muhiim ah.

    "Ujeedooyinka ugu muhiimsan ee kulamadeena waxaa kamid ah in mucaawino loo helo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibateysan gudaha dalka Soomaaliya" ayuu yiri Maxamed Cabdi Gaandi.

    Wuxuu intaas raaciyey in sidoo kale kulamada ay la leeyihiin xubnaha beesha caalamka ay xoogga ku saarayaan sidoo beesha caalamku ay wax qabad muuqda ula imaan laheyd si loo soo afjaro dhibaatoyinka iyo dagaalada mudada badan ka jira dalka Soomaaliya.

    Si kastaba ha ahaatee wafdiga uu horkacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa labadii maalin ee ugu dambeeyey waxa ay ku sugnaayeen magaalada Nairobi halkaas oo kulamo gaar gaar ah ay xubnaha beesha caalamka kula leeyihiin.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0