

Goobaha ganacsiga ee suuqa Bakaaraha oo saaka inta badan xiran.
Ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa suuqa Bakaaraha ayaa saaka inta badan xiran, iyadoo aaney jirin wax gaadiid ah oo isaga goosha waddooyinka ku teetsan suuqa Bakaaraha.
Goobaha ganacisga ee suuqa Bakaaraha ayaa ah kuwa xiran, iyadoo suuqa Bakaaraha ay ka jirto xaalad cabsi leh oo aad u weyn.
Madaafiic saaka ku soo dhacday suuqa Bakaaraha ayaa saameyn ku yeeshay ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, iyadoo dadklu ay ka cabsanayaan waxyeelo ka soo gaarta madaafiicda lagu duqeynayo suuqa weyn ee Bakaaraha.
Waddooyinka koowaad iyo labaad ee suuqa Bakaaraha ayaa ah kuwa haawanaya, iyadoo ay jiraan dadweyne yar oo waddooyinkaas si teel teel ah u maraya.
Si kastaba ha ahatee aroornimadii hore ee saaka ayey aheyd markii dagaal xooggan uu ka qarxay deegaano ku teetsan xarunta madaxtooyada oo ah fariisinka ugu weyn oo madaxda dowladda KMG ah ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Comments (0 posted):
Post your comment