

Ciidamada Itoobiya ee magaalada Beydhabo ku sugan oo maanta xayiray ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Beydhabo ayaa maanta gebi ahaanba xiray goobaha ganacsiga ee ku yaala magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Ciidamada Itoobiya ayaa ku amray ganacsatada inaaney furin ganacsigooda, iyadoo aan la ogeyn ujeedada ka dambeysa in ciidamada Itoobiya ay amar kaas bixiyaan.
Guud ahaan goobaha ganacsiga ee magaalada Beydhabo ayaa xiran, iyadoo aanu jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo ganacsi ah oo halkaas maanta ka socda.
Amarka ay ciidamada Itoobiya ku bixiyeen in la xiro goobaha ganacsiga ee magaalada Beydhabo kama aysan hadlin maamulka magaalada Beydhabo iyo taliska ciidanka booliska.
Xiritaanka goobaha ganacsiga ayaa ku soo beegmaya xilli maanta ay tahay maalintii 2-aad ee bisha Ramadaan, shacabka ku dhaqan magaalada Beydhabana ay aad uga adeegan lahaayeen goobaha ganacsiga ee magaalada Beydhabo.
Comments (0 posted):
Post your comment