Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Yuusuf Indhacadde oo wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inuu xiriir la leeyahay burcad badeedda.

    Yuusuf Indhacadde oo wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya inuu xiriir la leeyahay burcad badeedda.

    Font size: Enlarge font

    Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo shir jaraa'id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa warar aan sal laheyn ku tilmaamay wararka sheegaya inuu xiriir la leeyahay kooxaha burcad badeedka ee maraakiibta shisheeye.

    Isagoo warbaahinta Muqdisho la hadlayey ayuu sheegay Yuusuf Indhacadde in aanu jirin wararka sheegaya inuu xiriir hoose la leeyahay kooxaha burcad badeedda ah, isagoo sheegay in arrintaasi ay tahay mid aan xaqiiq aheyn.

    "Waa warar been abuur ah oo beesha caalamka lagu marin habaabinaayo, waana wax aan sal iyo raad laheyn" ayuu hadalkiisa sii raaciyey Yuusuf Indhacadde xogahaya difaaca ee isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

    Wuxuu kaloo Yuusuf Indhacadde beeniyey inuu ka ganacsado muqaadaraadka islamarkaana wuxuu sheegay inuu la dagaalami jiray markii uu hayey talada maamulka gobolka Sh/shexe.

    Wuxuu intaas raaciyey in kooxaha burcad badeedka ay gacan balaaran ka helaan shaqsiyaad shisheeye iyo maamul goboleedka Puntland, isagoo iska fogeeyey inuu marna xiriir la leeyahay falalka lagu afduubta maraakiibta shisheeye.

    Si kastaba ha ahaatee dhawaan ayey aheyd markii mid kamid ah mas'uuliyiita hay'adda badaha adduunka ay Sheekh Yuusuf Indhacadde ku eedeeyey inuu xiriir la leeyahay kooxaha burcadbadeeda ah ee qafaasha maraakiibta shisheeye ee isticmaalaha xeebaha dalka Soomaaliya.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0