Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Ciidamo kawada tirsan dowladda KMG ah oo maanta ku dagaalamay isgoyska Fagax.

    Ciidamo kawada tirsan dowladda KMG ah oo maanta ku dagaalamay isgoyska Fagax.

    Font size: Enlarge font

    Ciidamo kawada tirsan dowladda KMG ah ayaa maanta ku dagaalamay isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho, iyadoo khasaare uu ka dhashay dagaalka dhexmaray labada ciidan.

    Ciidamada booliska iyo labo kamid ah ciidamada dhawaan tababarka ku soo qaaday gudaha Itoobiya ee loo yaqaan Copy-ga Itoobiya ayaa isku rasaaseeyey halkaas, iyadoo rasaasta uu ku dhintay mid kamid ah ciidanka Copy-ga.

    Iska horimaadka dhexmaray labada ciidan ee kawada tirsan dowladda KMG ah ayaa dadka deegaanku ay sheegeen inuu salka ku hayey lacago leejo ah oo laga qaado gaadiidka isticmaala halkaas.

    Meydka askariga dhintay ayaa waxaa muddo kadib goobta ciidamo kale oo gurmad ahaan u yimid sida ay sheegeen dadka deegaanku.

    Isqabqabsi iyo murano dhinaca lagaha leejadda ah ayaa la sheegay in dhawaanahaanba uu ka dhex aloosnaa ciidamadaas.

    Si kastaba ha ahaatee ciidamada dowladda oo isku maandhaafa lacagaha leejada ah oo ay ka qaadaan gaadiidka dadweynaha ayaa badanaa ku dagaalama magaalada Muqdisho.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0