

Dowladda KMG ah "Dagaal baan ku qaadeynaa magaalada Kismaayo"
Dwoaldda KMG ah ayaa wada qorshe dagaal oo ay kula wareegeyso gacan ku heynta magaalada dekadda leh ee Kismaayo, xilli dhawaan gacan ku heynta magaaladaas la wareegeen xoogagga islaamiyiinta.
Isagoo wareysi siinayey TV-ga Al-jazeeta qeybtiisa afka ingiriiska ayuu sheegay la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Yuusuf Cumar Azhari u sheegay in dowladda KMG ah ay qorsheyneyso sidii ay ula wareegi laheyd gacan ku heynta magaalada Kismaayo.
"Dowladda KMG ah qorsha dhow waxaa uu jira inay la wareegto gacan ku heynta magaalada Kismaayo, waayo dacaayadaha ay buunbuuninayaan xoogagga naga horjeeda ma ahan mid loo dulqaadan karo" ayuu yiri la taliyaha.
Wuxuu sheegay in weerarka ay kula wareegi doonaan aanu waxba u dhimi doonin heshiiskii ay dowladda KMG ah iyo mucaaradka ku gaareen dalka Jabuuti.
"Dowladdu dalka iyadaa gacanta ku heysa, waana waajib saaran in ay magaalooyinka oo dhan gacant ku heyso" ayuu hadalkiisa sii raadiyey.
10-maalmoo kahor ayey aheyd markii gacan ku heynta magaalada Kismaayo ay la wareegeen xoogag islaamiyiin ah kuwaas oo meesha ka saaray maleeshiyo taabacsaneyd Barre Hiiraale dagaallo dhimasho badan dhaliyey kadib.
Comments (0 posted):
Post your comment