Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Xukuumadda Ra'isulwasaare Nuur Cadde oo codka kalsoonida ka heshay Barlamaanka.

    Xukuumadda Ra'isulwasaare Nuur Cadde oo codka kalsoonida ka heshay Barlamaanka.

    Font size: Enlarge font

    Xukuumadda Ra'isulwasaare Nuur Cadde ayaa maanta cod aqlabiyad leh kalsoonida uga heshay xubnaha barlamaanka ee fadhigoodu yahay magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay.


    Inta badan xildhibaanada barlamaanka ayaa codka kalsoonida ah siiyey xukuumadda uu hogaamiyo Nuur Cadde, iyadoo xildhibaanada ay cod aqlabiyad ah siiyeen xukuumadda Ra'isulwasaare Nuur Cadde.

    Kulan ka dhacay xarunta ADC-da oo uu shir guddoominayey Sheekh Aadan Madoobe guddoomiyaha barlamaanka ayey inka badan 191 xildhibaan codka kalsoonida ku siiyeen xukuumadda Nuur Cadde, halka 7-xildhibaan ay diideen 2-xildhibaana ay ka aamuseen.

    Intii aanu kulanka furmin ayaa buuq waxa uu ka dhashay qaabka kalsoonida loogu qaadayo xukuumadda, iyadoo markii dambe guddoomiyaha barlamanka uu ku dhawaaqat qaabka codeynta.

    91 xildhibaan oo horey mooshin uga keenay xukuumadda ayaa maanta kahor intii aan codka kalsoonida ah loo qaadin xukuumadda ka tanasulay mooshinka.

    Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Ra'isulwasaare Nuur Cadde ayaa cod aqlabiyad leh oo aad u sareeya ka heshay barlamaanka Soomaaliya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay magaalada Beydhabo uu ka aloosnaa loolan xagga siyaasadda ah.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0