Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Dab khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay tuulo ku taala gobolka Sh/dhexe.

    Dab khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay tuulo ku taala gobolka Sh/dhexe.

    Font size: Enlarge font

    Dab dhaliyey khasaare naf iyo mid hantiyeedba ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay tuulo ku taal qeybo kamid ah gobolka Sh/dhexe.

    Inta la ogyahay hal qof ayaa geeriyooday 14-kalena dhaawac ayaa soo gaaray kaidb markii uu dab qabsaday aqalo ku yaala tuulo la yiraahdo Laba-waab oo ku tuul gobolka Sh/djexe.

    Qofka geeriyooday oo aha canug yar ayaa la sheegay inuu dilay dabku, iyadoo-qof oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn ay uu dhaawacay dabku.

    Dhaawaca dadkaas ayaa iminka lagu dabiibayaa isbitaalka Inter SOS ee magaalada Jowhar halkaas oo dadka dhaawaca ah badankood la soo gaarsiiyey.

    Dabka ayaa guud ahaanba baabi'iyey aqaladii ay deganaayeen dadka, iyadoo sidoo kale uu dabku ciidda ku daray agabyadii ay dadku u isticmaalayeen howlaha nolol maalmeedka qoyska.

    Si kastaba ha ahaatee dabka ayaa dhashay markii caruur ku cayaareysay ay qabadsiiyeen mid kamid ah aqalada, iyadoo markaa dabadeedna uu dabku fiday islamarkaana khasaare xooggan geystay.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0