Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Meles Zanawi oo markale ku celiyay in uu ciidankiisa kala baxayo Somaliya ka dib markii..

    Meles Zanawi oo markale ku celiyay in uu ciidankiisa kala baxayo Somaliya ka dib markii..

    Font size: Enlarge font

    Dawlada Itoobiya waxay isu diyaarineysaa in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya xitaa haddii aysan degin ama noqon mid xasiloon Dawladda Kumeelgaarka ee ay ciidamada u direen 20 bilood ka hor, sidaas waxaa yiri ra'iisul wasaaraha Itoobiya, sida ay qortay jariidadda Financial Times caddadkeedii soo baxay khamiistii shalay (28-08-08).

    Meles Zenawi oo dhabanaha heysto ayaa Jariidada u sheegay ( 'in aysan miskaha iskaga xiriirsanayn) iyaga iyo Dawladda Soomaaliya (not joined at the hip).

    Hadalkaan ayuu ku dhawaaqay Oday Zenawi,xilli uu sii-siyaadayo walaaca Itoobiya ka qabto dagaalka dabada dheeraaday iyo hantida dhaqaale ee kaga baxaysa joogitaankeeda Soomaaliya, ayey tiri'Financial Times.

    Hadalkaan ka soo yeeray waxa uu calaamad u yahay isbedelka ku yimid siyaasadda Itoobiya,kaasoo ay horey u sheegtay inay Soomaaliya joogi doonaan ilaa inta ay DFKMG cagaheeda ku istaageyso xukunkana hantiyeyso.

    Itoobiya waxay ka huleeleysaa xilli ay Soomaaliya ka jiraan sharci darro iyo rabshado dalka Soomaaliyana noqday wadanka ugu burbursan adduunka,Hay'adaha gargaarkuna sheegeen in ay malaayiin qof qarka u saaran yihiin masiibo beni'aadaminimo.

    Joornaalka oo cabirayey dareeenka Xeeldheerayaasha ka-faalooda arimaha Adisbaba ayaa kula taliyay inay iminka haboon-tahay inay ciidamadooda kala baxaan Soomaliya.

    Meles Zenawi oo ka jawaabayey su,aal ku saabsan hadii Ciidamadiisa uu kala baxo Soomaaliya sida uu caawin-karo Dawlada ayaa yiri:

    "Itoobiya waxay samayneysaa wax kasta sidii ay u caawin lahayd dawladda Kumeel-gaarka, taas oo awoodeedu ku kooban tahay qayb kamid ah Muqdisho, sidii ay u noqon lahayd mid xoog badan oo waxqabad leh", wuxa uuna intaasi raaciyey in taasi eysan aheyn shardiga ku xiran ka bixitaanka Itoobiya waxaana uu Zenawi hadalka ku xoojiyey in ballan qaadkoodii uusan ahayn mid iska furan.

    "Masuuliyaddanada ku aadan nabadda Soomaaliya waa hal arrin oo keliya, Waxaa kale oo jira baahidayada gaarka ah, oo ay ku jiraan dhaqaalaha" ayuu yiri Zenawi, oo intaas ku daray 'Hawgalka Soomaliya waxa uu noqday mid aad iyo aad ugu kacay qiima-sare, sidaas daraadeed waa in aan miisaano cadaadiska dhinaca (gudaha Itoobiya) iyo dhinaca kale cadaadiska Soomaaliya, oo markaas la nimaadno xal miisaaman"ayuu yiri Reysalwasaaraha.

    Jariidada oo cabireysa arinta ku keliftay Zenawi inuu dhabarka u-jeediyo Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay Baahida daran ee ay Itoobiya u qabta in ay soo afjarto hawlagalkeeda militari ee Soomaaliya waa arrin ka dhalatay qiimaha dhaqaale ee kaga baxay hawlagalada Soomaaliya.

    Markii la weydiiyey qorshihii asalka ahaa ee ahaa in ay Soomaaliya ku jiraan muddo kooban in wax ka khaldameen, iyo in-kale waxa uu Zenawi farta ku goday Reer Galbeedka, kuwaas oo siyaasad debecsan iyo dhaqaale debecsan siiyey Midowga Afrika nabad ilaaliyaashooda Soomaaliya, iskuna dubaridey tiro aan ka badnayn afar meelood oo meel ciidamadii markii hore lagu tala galay ee ahaa 8,000 ee askari.

    Ma sii mala-awaalin in Beesha Caalamku ku faraxsanaan doonaan in ay farqaha sii qabsadaan faraska Itoobiya, islamarkaasna ay ka waji-detaan muddo aad u dheer" ayuu yiri, isagoo intaas ku daray 'Waxaan rajaynayney, oo filaynay in Beesha Caalamku ay garwaaqsadaan in ay tani ahayd fursad gaar ah ee nabadaynta Soomaaliya oo ay markaas ka faa'iidaystaan"

    Joornaalka (Financial-Times) oo soo xiganayey , Diblomaasiyiin reer galbeed ah oo jooga Addis Ababa ayaa sheegay in Dawlada Itoobiya aysan marnaba fileyn in ay Soomaaliya kala kulmeyaan dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

    Warbixinta oo dhameystiran halkan ka akhriso: http://www.ft.com/

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0