

Buuq iyo sawaxan hareereeyay barlamaanka DF ee Baydhabo .....
Golaha Barlamaanka dowladda Federalka ee xaruntiisu tahay magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa hareereeyay buuq iyo sawaxan kadib markii ey madasha Barlamaanka maanta soo xaadireen sadexdii masuul ee ugu sareysay dowladda federalka ee dhawaan kusoo heshiiyay dalka Itobia.
Sawaxanka iyo buuqa oo ey bilaabeen sida ey wararku nagusoo gaarayaan ku dhawaan 30-xildhibaan oo kasoo horjeeday madaxweynnaha ayaa isu badalay buuq balaaran oo ey sidoo kale kasoo qeyb galeen xildhibaanada taageersan M/weyne C/aalhi Yuusub, waxaana lagu guuleystay in la dajiyo kadib markii ey soo dhexgaleen gudoomiyaha Barlamaanka iyo xildhibaano kale.
Waxaa buuqaasi yaraa kadib bilowday qudbado ey ka jeedinayeen golaha Barlamaanka sadexda masuul ee ugu sareysa, kuwaasoo uga warbixiyay Barlamaanka waxa ey kala soo kulmeen mudadoo 12-ka casho ee ey ku sugnaayeen Itobia iyo heshiisyadii halkaasi lagu soo gaaray.
Heshiisyada lasoo gaaray ee goobta laga akhriyay:
1-In la xallinta khilaafaadka ka dhexeeya sadaxda hey'adood ee ugu sareysa xukuumadda Federaalka Somaliya.
2-In la abuurno jawi is afagarad, kalsooni iyo is aaminaad ku dheehantahay ayna kuwada shaqeeyaan dhamaan hey'adaha ugu sareeya dawladda Federaalka.
3-In axdiga KMG ah ee dawladda Federalka xilligan kala guurka ah uu sharciga ugu sareeyo ayna tahay in loo wada hogaansamo.
4-In sadaxda hey'adooda ee ugu sareysa dawladda in ay xilalkooda iyo howl-maalmeedkooda ay gudanayaan iyadoona ayna cidna cida kale ku fara galin.
5-In howlaha hey'adaha ugu sareeya dawladda Federaalka ey ku socon doonaan hab wadatashi, is afgarasho, iskaashi iyo niyad wanaag ku dhisan.
6-In golaha wasiirada la ballaariyo lagana dhigo 23 Wasiir si loo yareeyo qul qulatooyinka jira loona dhameeyo khilaafaadka taagan.
7-In wasiiradii is casishay golaha cusub ee la magacaabayo lagu soo daro iyagoo sidooda xilalkoodii loogu soo celinayo.
8-In la magacaabo dhamaan wasiirada harsan iyadoona ugu danbeyn m/weynuhu ansixin doono xilalka wasiirada cusub iyo kuwa harsan ee la magacaabayo.
9-In maamulkii hore ee gobolka Banaadir la badalo , lana magacaabo mudo 15-cisho ah maamul cusub oo soo maraya madaxda sare ee xukuumadda.
Madaxweynaha oo isna ka hadlay halkaa ayaa sheegay in loo baahan yahay in xaaladda la dajiyo islamarkaana jaanis ey ku hadlaan la siiyay madaxda, wuxuuna hanjabaad dadban u jeediyay xildhibaanada fowdada iyo buuqa abuuray.
"Hadii aad idhageysaneysaan i dhageysta ,hadii kalena ii sheega waan baxayaaye, jawaabna waad iga helaysaan", ayuu yiri madaxweyne Yuusuf oo u jawaabayay xildhibaanada fowdada kiciyay.
Comments (0 posted):
Post your comment