Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Dagaal Xooggan oo iminka ka socda degmada Hurwaa gaar ahaan xarunta warshadda Baastada.

    Dagaal Xooggan oo iminka ka socda degmada Hurwaa gaar ahaan xarunta warshadda Baastada.

    Font size: Enlarge font

    Wararka iminka naga soo gaaraya degmada Hurwaa ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu hadda ka socda xaruntii hore ee warshadda Baastada oo fariisin u ah ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG ah.

    Dagaalka oo bilowday daqiiqado kahor ayaa iminka si toos ah halkaasi uga socda, waxaaana uu ka dambeeyey markii xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira ay weerar xooggan ku qaadeen halkaas.

    Hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsanayaa dagaalka, waxaana rasaas wiifto ah ay gaareeysaa deegaano ka dheer halka lagu dagaalamayo sida deegaanka suuqa xoolaha oo kale.

    Xoogagga muqaawamada ayaa warar iminka naga soo gaaraya degmada Hurwaa ay sheegayaan in iyaga aad u hubeysan lagu arkayo waddooyinka gala xaruntii hore ee warshadda Baastada halkaas oo uu iminka dagaal xooggan ka socda.

    Lama ogaan karo khasaaraha ka dhashay dagaalka sababo la xiriira dagaalka oo iminka socda, iyo iyadoo aaney jirin wax faah-faahin dheeri ah oo laga hayo.

    Wixii warar ah ee ka soo kordha dagaalka kala soco wararkeena dambe.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0