Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Qarax xooggan ayaa lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka marayey wadada Maka Al-mukarama

    Qarax xooggan ayaa lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka marayey wadada Maka Al-mukarama

    Font size: Enlarge font

    Qarax xooggan ayaa lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka marayey wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

    Qaraxa oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday ciidamada Itoobiya xilli ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadeen wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

    Daryanka qaraxa oo aha mid xooggan ayaa si weyn waxaa looga maqlayey qeybo kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa kadib ciidamada Itoobiya ay xireen wadada.
     
    Dadka deegaanka ayaa ku waramay in uu jiro khasaare ciidamada Itoobiya qaraxa ka soo gaaray, iyagoo intaa raaciyey in qaraxa ay ciidamada Itoobiya askar kaga waxyeeloobeen.

    Lama sheegin dad rayid ah oo wax ku noqday qaraxa, hase ahaatee ciidamada Itoobiya ayaa qaraxa kadib la sheegay inat fureen tacshiirad aan illaa iyo hadda la sheegin cid ku waxyeeloowday.

    Qaraxyada lala bartilmaameedsado ciidamada Itoobiya ayaa badanaa ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxyada kadib ay ciidamada Itoobiya dilaan dadka rayidka ah ee ka dhow halka lagu qarxiyo.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0