Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Weerar loo adeegsaday bambaano ayaa xalay markii labaad lagu qaaday guri uu magaalada Beydhabo ka deggan yahay mid kamid ah xildhibaanada barlamaanka dowladda KMG ah.

    Weerar loo adeegsaday bambaano ayaa xalay markii labaad lagu qaaday guri uu magaalada Beydhabo ka deggan yahay mid kamid ah xildhibaanada barlamaanka dowladda KMG ah.

    Font size: Enlarge font

    Weerar loo adeegsaday bambaano ayaa xalay markii labaad lagu qaaday guri uu magaalada Beydhabo ka deggan yahay mid kamid ah xildhibaanada barlamaanka dowladda KMG ah.

    Kooxo hubeysan ayaa bambaano ku weeraray guriga xildhibaan Maxamed Xuseen Raage, iyadoo la sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira uu dhaliyey qaraxa bambaano.

    Inta la ogyahay labo qof oo mid la sheegay inuu ahaa wii uu dhalay xildhibaanka ayaa ku dhintay qaraxa, iyadoo dad kalena ay ku dhaawacmeen.

    Qaraxa bambaano kadib ayaa la sheegay in xaaladdu ay aad u kacday, iyadoo ciidamo katirsan dowladda KMG ah ay goobta soo gaareen sida ay wararku sheegayaan.

    Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga cidda ay yihiin kooxaha weerarka bambaano ku qaaday guriga xildhibaan Maxamed Xuseen Raage, hase ahaatee waxa uu qeyb ka yahay weeraro kadhan ah xildhibaanada Barlamaanka oo maalmihii ugu dambeeyey magaalada Beydhabo ka dhacayey.

    Habeen hore ayey aheyd markii weerar sidaan oo kale ah lagu qaaday guryo ay magaalada Beydhabo ka deggan yihiin Maxamed Cumar Dalxa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamaanka iyo xildhibaan Cusmaan Xasan Cali (Caato)

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0