

Dagaal xooggan ayaa saaka ka dhacay qeybo kamid ah wadada warshadaha.....
Dagaal xooggan ayaa saaka ka dhacay qeybo kamid ah wadada warshadaha gaar ahaan xarumaha Gaashaandhigga, Kuliyaddii Jaalle Siyaad iyo guryihii Saraakiisha oo inuba fariisin u ah ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa dhacay kadib markii xoogagga dagaalka kula jiar ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay weerar ku qaadeen fariisimahaas, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.
Madaafiic aan loo meel dayin oo ay ridayeen ciidamada Itoobiya ayaa ku dhacay qeybo kamid ah xaafadaha muqdisho kuwaas oo inta la ogyahay ay ku waxyeeloobeen 5-qof oo rayid ah.
Ma cadda khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxaana ilo wareed la helay ay sheegayaan inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalka oo kala gaaray labada dhinac inkasta oo aan warkaas jiritaankiisa si dhab ah loo xaqiijin karin.
Dagaalka saaka ka dhacay deegaanadaas ayaa ku soo beegmaya xilli aroornimadii shalay dagaal uu ka dhacay isla qeybo kamid ah wadada warshadaha kaas oo u dhexeeyey xoogagga hubeysan iyo ciidamada dowladda
Comments (0 posted):
Post your comment