

Qarax goor dhoweyd ka dhacay Baydhabo, oo dhimasho iyo dhaawac geystey.
Wararka laga helayo magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in qarax qasaaro dhimasho iyo dhawacba ah geystay uu halkaasi ka dhacay, waxaana qaraxaasi oo miinada gacanta laga tuuro ah lala beegsaday guri uu deggan yahay nin ka tirsan baarlamaanka kooxda mbagathi oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Raage.
Wararka ayaa sheegaya in qof uu ku geeriyoodey qaraxan, sidoo kalena qof kale uu dhaawac ka soo gaaray qaraxan, iyada oo maleeshiyaadka kooxda Mbagathi oo goobta soo gaarey ay goobta xireen.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa in ay xildhibaano faro badan oo baarlamaanka ka tirsan ay ku sugnaayeen, iyada oo warar kala duwan ay ka soo baxayaan qofka geeriyoodey oo wararka qaar ay sheegayaan in uu maleeshiyaadka Mbagathi ka tirsanaa, halka warar kalena ay sheegayaan in uu qof shacab ah ahaa.
Maleeshiyaadka halkaasi yimid ayaa lagu soo waramayaa in sidoo kale ay qab-qabteen dhowr qofood oo dhalinyaro u badan, kuwaasi oo falkan lala xiriirinayo, balse aan la ogeyn in ay ku lug leeyihiin.
Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo 24-Saacadood gudahood ka dhaca magaalada Baydhabo, iyada oo xalay guryo xildhibaano degen yihiin, gaar ahaan guriga Cusmaan caato iyo Prof: Dalxa qarax lala beegsadey, inkastoo qasaaro nafeed uusan jirin.
Comments (0 posted):
Post your comment