

ABUU MANSUUR oo si cad u qirtey inuu ALQAACIDA wakiil uga yahay Soomaaliya, si dadka ......
'Al-Qaacida waa hooyada Jihaadka ee Soomaaliya, hoggaamiyasheenna badankood waxay kusoo tababarteen xeryahaha Al-Qaacida, xeeladaha dagaalka iyo awaaniirtaba waxaan ka helnaa iyaga, in badan oo naga mid ahna waxaa ay waqti la soo qaateen Usama Bin Laden'. Waxaa sidaa qortey Jariidada Los Angeles Times cadadkeedii soo baxay maanta, iyadoo soo xiganaysa Sh. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Haddii hore aad u maqli jirtey Hoggaamiyayaasha Maxkamadaha Islaamiga ah oo isaka fogeynaya Al-qaacida iyo Bin Laden, waxaa taas bedely. 'Waxaynu amarrada ka qaadanaynaa Sh. Usaama Bin Laden maxaa yeeley waxaynu nahay ardaydiisii' Waxaa sidaas yiri Abuu Mansuur oo ay wareysigiisa maanta daabacdey jariidada LA TIMES.
Wareysiga dheer ee uu bixiyey Abuu Mansuur waxaa uu u muuqdaa mid markale loogu yeerayo xoogagga had iyo goor mar-marsiinyaha u goobaya in Soomaaliya duullaan kale lagu soo qaado, waxaana uu marqaati cad u yahay tuhummada laga qabo in kooxda Al-Shabaab tahay kooox qar iska xoor ah oo aqoondarro siyaasadeed iyo xikmad-darro hayso ama ay tahay koox ay ku milantey jawaasiis dawlado shisheeye oo gacan ku siinaya sidii markale loo maleegi lahaa duullaan Soomaaliya lagu soo qaado.
Xusuusnowna wareysiyada, cajaladaha la soo saaro iyo hadallada waalida ah ee ka oo yeera kooxdan waxaa markasta lagu soo beegaa xaaladda ku habboon..sida marka muqaawamadu u dhowdahay inay guulaysato ama ay sii fashilmayso siyaasadihii Soomaaliya loogu soo duuley..ujeedada? in la sii cimri-dheereeyo dagaallada dadka Soomaaliyeed lagula jiro ama dib loo abaabulo oo loo xoojiyo siyaasadihii caalamaka hore looga dhaadhiciyey ee in Soomaaliya ay tahay meel xarun iyo hoyba ay ka dhigteen 'Argagixisada caalamiga ah'.
Wareysigan Abuu Mansuur waxaa xitaa siyaasad ahaan ka xikmad badnaa Michael E. Ranneberger safiirka Mareykanka oo markii la weydiiyey hadalladii Muqtaar Rppbow kaga jawaabey 'Al-Shabaab miyaa amarro ka qaadanaysa Al-Qaacida? waxaan dhihi lahaa Maya, iyaga (Al-Shabaab) ayaa hawshooda wata)' in kastoo uu safiirku garawsadey inuu jiro isu dhowaansho labada dhinac ah hadana waxa uu rumaysan yahay inuusan gaarsiisnayn heer hawl-fulineed.
Jariidada Los Angeles Times oo ka mid ah jariidadaha ugu saamaynta weyn siyaasadaha Mareykanka ayaa warbixinteeda cinwaan uga dhigtey 'XAALADA SOOMAALIYA OO U BISLAATEY AL-QAACIDA' waxayna hadalka Abuu Mansuur u soo bandhigtey tiiyo ay Soomaaliya xaalad cusub gashey. Waxaa kale oo ay jariidadu sharxaysaa kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya oo hore u dafiri jirey ama aan sidaas ugu dhiiran jirinin xiriir kala dhexeeya Al-Qaacida ay haatan taas bedelkeeda qiranayaan oo ay si cad u sheegayaan inay la mid yihiin Al-Qaacida amaba ay ka tirsan yihiin.
jariidada oo arrintaas sii ambaqaadaysana waxaa ay soo xiganaysaa Abuu Mansuur oo markii ugu horreysey qiranaya in kooxdiisu 'ay xiriir dheer la lahayd Al-Qaacida' Waxaana uu Abuu Mansuur sii raaciyey inay haatan ay raadinayaan sidii ay Al-qaacida ula yeelan lahaayeen xiriir intaas ka sii dhowaansho badan.
'Waxaa inoo socota waan-waan ah sidii aan ugu midoobi lahayn hal mid' ayuu yiri Abuu Mansuur, sida ay qortey jariidadu. Waxayna sii raacisey inuu yiri: In lagu biiro hawlwadeennada Al-Qaacida ee gobolka waa arrin macquul ah, marka la tixgeliyo Hawlgallada uu Mareykanku wado oo ay ku jiraan weerarkii uu ku diley taliyihii hore ee Al-Shabaab.
Dhinaca kalena jariidadu waxay faaqideysaa bal inay run tahay oo wax ka jiraan cabsida laga qabo Al-Shabaab iyo inay uun yihiin borobogaando aan nuxur lahayn oo Reer Galbeedka lidi ku ah. Waxaana qaar badan oo ka faallooda arrimahan ay rumaysan yihiin sida jariidadu sheegeyso in Al-Qaacida ay weli hortaagan yihiin caqabadihii hore ugu diidey inay saldhigyo ka samaysato Soomaaliya, caqabadahaasi oo ay ku jiraan sida jariidadu sheegeyso qabaa'illada kala duwan iyo farqiga u dhexeeya Islaamiyiinta kuwooda rumaysan in la abbaaro dagaalka quseeya Soomaaliya iyo kuwa taageersan ujeedooyinka heer caalami ee Al-Qaacida.
Jariidada oo sii wadata waraysigii irdaha faydayey ee Abuu Mansuur ayaa qortey inuu sheegey in Al-Shabaab bilihii la soo dhaafey ay kobcinaysey ciidamadeeda oo ay ku soo biireen dagaalyahanno ka kala yimid dunida daafaheeda sida dalalka Keenya, Suudaan, Ciraaq, Afqanistaan, Aljeeriya, Indoniisiya, Chechniya iyo xitaa dalka Mareykanka, inkastoo ay jariidadu sheegtey in Abuu Mansuur uu diidey inuu sheeciyo tirada dagaalyahannada ajnabiga ah ee ciidamadooda ka tirsan.
Jariidada oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtey in Mukhtaar Roobow uu markii ugu horreysey ka hadley in hawlgallada Al-Shabaab ay ku baahin doonaan deegaanno ka baxsan xuduudaha Soomaaliya. 'Marka aan dhamayno Jihaadka ka socda Soomaaliya, waxaan gaarsiinaynaa dagaalka dawlad kasta oo ka qayb qaadatey dagaalka Soomaaliya ama kaalmo siisey kuwa na soo weerarey' ayuu yiri sheekhu.
Sida Jariidadu qoreysana Abuu Mansuur waxaa uu ugu hanjabey dadka Mareykanka ah oo ay ku jiraan Suxufiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka inaysan ka ammaan noqon doonin weerarradooda, 'Gardarrada dawladda Mareykanka ah' darteed.
Dadka Arrimaha Soomaaliya u dhuun daloola ayaa ku tilmaamey hadallada Abuu Mansuur inay muujinayso Soomaaliya oo ay ku sii xoogeysanayaan dadka Islaamiyiinta mayalka adag ah, iyadoo dadka Soomaaliyeedna ay badankood yihiin dad qunyar socod ah, xitaa kuwa xag-jirka ag, sida ay leedahay jariidadu, waxa ay weerarradooda ku koobeen gudaha dalka iyo mid ay kulajiraan Itoobiya oo muddo dheer ay dagaalsanaayeen. Waxaana ay ka walaacsan yihiin in xagjirnamadan ay sii hurisey dadaalka 'argagixiso la dirirka ah' ee uu wado Mareykanku.
'Dadka Soomaaliyeed waxaa aad uga careysiiyey in magaalada Muqdisho ay weli sii haystaan ciidamada Itoobiya oo soo galay 2006-dii', ayey jariidadu warbixinteeda sii raacisey.
'Sida wax u muuqdaan haatan waa arrin u fiican Al-Qaacida' ayuu yiri Richard Barno, oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Amniga ee Adis Ababa, waxaana uu sidoo kale tilmaamey in dawladda KMG ah ee QM taageerto ay wiiqeen dagaal isla dawladda gudaheeda ka dhex jira.
In Soomaaliya aysan Al-qaacida joogin amaba dagaalyahanno shisheeye iyo in dadka Soomaaliyeed aysan halis ku ahayn ammaanka dawladaha deriska ah, halgankooduna uu yahay oo kaliya mid la isaga caabinayo duulloaanka gardarrada ah ee Itoobiya, ayaa in badan lagu dadaalayey in Caalamka laga dhaadhiciyo, iyadoo ay waxgarad Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinba ay ka digayeen sidii caalamka loo fahamsiin lahaa siyaasadaha wareersan ee Itoobiya Soomaaliya loogu soo maalgelinayo inay ku qabsato. Iyadoo Mareykanka iyo Itoobiyaankuna ay duullaankaas Soomaaliya ugu soo marmarsiiyoodeen inuu yahay mid looga hortegayo khatar ka soo socota kooxo ay ugu yeereen inay halis ku yihiiin ammaanka gobolka Geeska Afrika. Hadaba wareysigan Abuu Mansuur oo ku soo aadey xilligan labada doodood ee iska soo horjeedey middee ayuu xoojinayaa?.
Halkaan Ka Akhriso maqaalkii Los Angeles Times
Waxaa Diyaariyey
C/qaadir Gutaale.
Comments (0 posted):
Post your comment