Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Sheekh Shariif oo shaaciyay dib u heshiisiintu in aysan hakan doonin haddii xitaa meesha uu ka baxo R/Wasare Nuur Cadde.

    Sheekh Shariif oo shaaciyay dib u heshiisiintu in aysan hakan doonin haddii xitaa meesha uu ka baxo R/Wasare Nuur Cadde.

    Font size: Enlarge font

    Gudoomiyaha Isbaheysiga Xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaciyay in ay cid waliba oo Somali ah dan ugu jirto sii socoshada hanaanka wadahadalka iyo dib u heshiisiinta isla markaana aanu arag in qof ama dad gaar ah ay u hakan doonto dib u heshiisiinta haatan socota.


    Sheekh Shariif waxaa uu farta ku goday in xitaa aysan wal wal ka qabin hadii meesha ay ka baxaan kooxda haatan heshiiska la gaartay dhinacooda in heshiiskaasi uu bur burayo maadaama uu cadeeyay in beesha Caalamka ay taageersan tahay.

    Waxa uu wadaadkaasi waayihii ugu danbeeyay u heelanaa dib u heshiisiinta iyo xabad joojinta ugu baaqay dhamaan shacabka Somaliyeed in ay taageeraan heshiiska xabad joojineed iyo dib u heshiisiinta si guud ahaaneed.Gudoomiye Sheekh Shariif waxaa sidoo kale ugu baaqay dhamaan hey'daha samafalka in ay gargaar deg deg la gaaraan dalka Somaliya isla markaana ay gacan qabtaan shacabka tabaaleysan xilli ay soo galeyso bisha barakeysan ee Ramadaan.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (2 posted):

    omar on 26 August, 2008 08:01:39
    shiek shariif waxa uu u muuqdaa qaf dadaalayaa isla markaana ka shaqeeynaaya qaranidma Somalia,in kastoo aanan ogayn haddii wax kale uu ku hoos wato sida dad fara badan aay sameeyaan.Koleey waynu taa geeraayaa inta uu sidan u socdo ama uu hadal wanaagsan yahay. Ma ogola in qafna uu qaf kale ku gumaysto qabiil waana nin markaas mac quul ah oo soo jiidan kara dadka macquul ka ah
    koleey ilaa iyo iminka waa dadkii aanu raadineynay haddii aay wax iska badalaana waxaanu ula jirnaa si taxdar ah!
    on 26 August, 2008 03:34:14
    asalamu calykum sida uu sheekha uu u hadlayo waxa aad moo daa nin is dhiibay oo aan waxba meesha ku haynay ama wa uu ku gorgortamo sababtoo ah majiran wax ila iyo had cad oo lataaban karo oo uu sameeyeey.

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0