

Mohamed Dheere oo dhawaan xilka si official ah u wareejin doona
Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaban-qaabo balaaran oo xil wareejis ah ey ka socoto halkaasi, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socdo uu si official ah xilka u wareejiyo gudoomiyihii gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xameed.
Qaban.qaabadan oo laga dareemayo Muqdisho ayaa kusoo beegantay xilli maalinkii doraad kadib ismarinwaa dheer ey heshiis ku kala sixiixdeen Itobiya madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo ra`iisal wasaare Nuur cadde, kaasoo qodobadi ey heshiiska ku gaareen ka mid ahaa in Maxamed Dheere uu xilka wareejiyo.
Ma cadda ilaa iyo iminka ninka qaban doona jagada uu faarujinayo Maxamed Dheere balse waxaa uu iminka si ku meel gaar ah uu ugu wareeyindoonaa ku xigeenkiisa dhinaca arimaha Bulshada Mr. Dhagaxtuur oo uu horay ugu magacaabay si kumeel gaar ahaan r/wasaare Nuur Cadde.
Xil ka qaadista M/Dheere ayaa dhalisay khilaaf aad u weyn oo u dhexeeyay m/weynaha iyo r/wasaaraha, kuwaasoo dowladda Itobia ugu yeertay xarunteeda Addis-Abeba iyadoo ku wargelisay in labadoodu cidina meel uga dhaqaaqi doonin Itobia ilaa iyo inta ey xal ka gaaraan khilaafkooda.
http://www.calanka.com/Wararki-Maanta/warka2449
Comments (0 posted):
Post your comment