Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Digniin loo jeediyay GENERAL Morgan iyo Indhocade

    Digniin loo jeediyay GENERAL Morgan iyo Indhocade

    Font size: Enlarge font

    Warar lagu kalsoon yahay oo inaga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee g/Jubada-Hoose ayaa sheegaya in digniin culus loo jeediyay General Morgan iyo General Indha-cadde oo labaduba qorshesanayay in ey booqasho ku tagaan magaalada Kismaayo oo dhawaan gacanta u gashay maleeshiyaad wadaado ah.

    General Morgan ayaa loo diiday inuu ka mid noqdo wefdi ay hogaaminayaan nabadoon Cabdi-Yare iyo ganacsadayaal ay ka mid yihiin Yuusuf Nuur Xasan (Bidde) iyo Ganacsade Ciise (Ceelbuur) oo la filayo inay usbuucan gaaraan magaalada Kismaayo, si ay u baajiyaan dagaal laga cabsi-qabo in uu dhex maro kooxaha magaalada qabsaday ee Islaamiyiinta ah iyo Dawlada Federaalka Soomaaliyeed, hadii aysan kooxahani la imaan siyaasado fur-furan oo keeni-kara heshiis la mid ah kan Ururka Isbaheysiga Dib-u-xoreynta ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif la yimid.

    Sidoo kale General Yuusuf Siyaad Indha-cadde oo khadka teleefoonka kula soo xiriiray madaxda sar-sare ee Jabhada Islaamka Soomalaiyeed ee (Jabiso) ayaa loo diiday codsigii uu ku doonayey in uu booqasho gaaban ku soo gaaro magaalada Kismaayo.

    "Morgan iyo Indhacadde waa niman Soomaaliyeed oo xaq u leh in ay magaaladan yimaadaan, balse labadoodaba dadka deegaanka ayaa xasaasiyad ka qaba, marka wefdi nabadoono iyo Ganacsadayaal ah oo uu doonayey inuu Morgan soo raaco, waan ka reebnay, sidoo kale Yuusuf Indhacadde oo ay dad-badan oo deegaanka ku xasuusteen gubitaankii uu dabka saaray magaalada Dhoobley, isagana waxaan kula talinay inuu niyadda ka saaro xiligan imaanshaha magaaladan", ayuu yiri sarkaal ka tirsan culimada Jabhada (Jabiso) oo u waramayey Shabakada Calanka.com.

    Sarkaalkan oo aan weydiinay ciqaaabta ay muteysanayaan hadii General Morgan iyo Yuusuf Indhacadde booqasho kedis ah ku yimaadaan magaalada kismaayo ayaa ku jawaabay:

    "hadii ay naftooda ku soo biimeeyaan magaalada, markaas jawaabtu waa sahlan tahay,labadoodaba waxaa ku dhacaya dharbaaxadii kululeyd ee ku dhacday Xildhibaan Barre-Hiiraale", ayuu hadalkisa ku soo xiray Sheekhan oo codsaday inaan magaciisa saxaafada lagu xusin.

    Dhinaca kale warar isa soo taraya ayaa sheegaya in xildhibaan Barre Hiiraale uu ku go`doonsan yahay tuulo lagu magacaabo (Faafax-Dhuun), isagoo hakiyay safarkii uu ku tagi lahaa gobolka Gedo, maadaama magaaladii uu u socday ee Baardheere gacantooda gashay xoogaga Islaamiyiinta.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    omar on 26 August, 2008 07:53:54
    Dadka arin kaan sheegaya ayaa waxa aay yihiin dad aad u qeexaya qaf kasta waxa uu yahay ama waxa uu gaystay.Waa in aay ka hortagaan dadka laba wajilayaasha ah is lamkaana iska dhigaaya dad qaranima raadis ah

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0