Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Sh. Xasan Turki oo dib uga laabanaya Kismayo kadib markii uu gacan ka geystay qabashadeeda

    Sh. Xasan Turki oo dib uga laabanaya Kismayo kadib markii uu gacan ka geystay qabashadeeda

    Font size: Enlarge font

    Wararka naga soo-gaaraya magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in kulan albaabada u xiran-yihiin ay isugu yimaadeen saraakiisha Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed ee (Jabiso) iyo kuwa Ururka Alshabaab.

    Kulankan ayaa looga arin-saday sidii maamul mideysan oo ku-meel gaar ah loogu sameyn-lahaa magaalada Kismaayo,iyadoo lagu balamay in maamul ku meel-gaar ah oo ay u wada dhanyihiin dadka deegaanka kuna dhisan shareecada Islaamka laga hir-geliyo magaalada.

    Sheekh Xasan Al-Turki oo kulan ka hadlay,sida aan xog-hoose ku-helnay ayaa sheegay inuu saacadaha soo socda dib oogu noqon-doono,saldhigyada ay ciidamadiisu ku leeyihiin Hawdka Gobolka Jubadda-Hoose,lamana yaqaan ilaa iyo hadda sababta Sheekha ku-keliftay inuu Saraakiisha ciidamada ogeysiiyo,inuu dib oogu noqonayo Hawdkiisii uu kaga dhuumanayey gantaalaha Mareykanka oo Sheekha u-baadi-goobaya,sidii ka dhacday oo kale Magaalada Dhuusamareeb oo ay Gantaalo Mareykanku la beegsadeen Alaha u naxariistee Macalin Aadan Xaashi Ceyrooow.

    Dhinaca kale Ciidamada oogu tirada badan ee magaalada Kismaayo qabsaday, tiradoodana lagu qiyaasay 850 ayaa ka yimid,Magaalooyinka Buulo-Xaaji,Kudhaa,Janaay-Cabdala iyo Caanoole,waxaana oogu cad-cadaa Saraakiishii dagaalkan hogaaminaysay:

    1-Sheekh Mustafa Cali Mire
    2-Sheekh Xasan Yacquub (Baaba-Raqiis)
    3-Sheekh Dhaga-Caleen Nuur Cali
    4-Sheekh Xasan Turki
    5-Sheekh Abuu Muslim
    6-Macalin Bare.

    Xubnahan waxay dhamaantood ka mid yihiin Saraakiisha Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed ee (Jabiso)oo iyagu ah Jabhad wada-shaqeyn kala dhaxeyso Maxaakiimta,marka laga reebo Sheekh Xasan Turki oo isagu ka tirsan Ururka Alshabaab,inkastoo warar aan ka helnay ilo-lagu kalsoon-yahay ay sheegayaan in Sheekha laga yaabo inuu ku biiro Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed (Jabiso)maaadaama magaca Alshabaab ay Beesha Caalamka ku shaabadaysay Arga-gaxiso.

    Dhinaca kale Shacabka Magaalada Kismaayo ayaa wejiyadooda laga dareemay farxad iyo reyn-reyn aan la qiyaasi-karin,maadaama laga dul-qaaday Maleeshiyo aan cidna ka amar-qaadan.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0