

Xoghayaha Isbahaysiga Dib u xoreynta oo shegay in Ururka Alshabaab aay la wareegeen Magaalada Kismaanyo. "Dhageyso"
heekh yuusuf maxamed siyaad indhacae ayaa sheegay in dagaaladii ka jiray kismaanyo in aysan ahayn ALshabaab oo kaliya laakiin waxaa kula jira Midowga maxaakiimta iuo Jabhada islaamiga ha iyagoo si wada jir ah uga soo horjeeda rag ka tirsan isbahaysiga argagxiso ladirirka oo saan saantiisa laga waday halkaasi.
Indhacade ayaa intaa ku daray Dagaalo maalmihii ugu danbayay ka soconayay in gacan libaaxle ay ka geesteen Midoowga maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed ka dib markii ay awoodii ay lahaayeen Maleeshiyaadka ay wiiqeen Dagaalyanada maxkamadaha.
Waxaan sheegaynaa in wararka tilmaamaya in uu Dagaalka u dhexeeyay Xoogagga Alshabaab oo Qur iyo maleeshiyaadka ka arimiya kismaanyo in aysan ahayn war sax.
Dagaalyahanada oo dhan ayaa gacab weyn ka gaystay in ay kala eryaan melaashiyaadka laakiin waxaan dadka u sheegaynaa in anan ahayn dad iskhilaafsan balse aan isku hadaf nahay waxaana macquul ah in xoogaga naga tirsan ay fariisin ka sameystaan magaalo xeebaadka kismaanyo.
Comments (0 posted):
Post your comment