Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Xarakada Al-shabaab oo la wareegay maamulka Kismayo

    Xarakada Al-shabaab oo la wareegay maamulka Kismayo

    Font size: Enlarge font

    Dagaaladii ka socday sadexda maalmood magaalada Kismaayo ayaa maanta waxaa si rasmi ah la sheegay in ey ula wareegeen magaaladaasi Ururka Jabhada Islaamka Soomalliyeed ee (Jabiso) iyo Ururka Alshabaab oo is-garabsanaya.

    Suxufi madax-banaan oo ku sugan magaalada ayaa khadka telefoonka oogu sheegay warsidaha Calanka in dagaalka uu hada ka socdo meel ka baxsan banaanka magaalada Kismaayo, lana baacsanayo maleeshiyaadkii horay gacanta ugu hayay deegaankaasi.

    Suxufigan ayaa noo xaqiiyay in saaka dhimashadu aan la koobi karin, waaxana ey meydad badan yeelaan wadooyinka faras-magaalada ee u dhexeeysa (Qacle) iyo (Mahdi-Ciiro), iyadoo kuwa kalana lagu arkay agagaarka Isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo.

    Sheekh Xasan Al-turki, Sheekh CabdiQani Cali Mire iyo Sheekh Caleen ayaa khudbad ka jeedinayo waqtigan Hotel Tawakal oo saldhig u aheyd Maleeshiyada Barre Hiiraale.

    Ganascadayaal ay hogaaminayso haweenay lagu magacaabo Ruqiyo Aadan Sheekh-Doon (Fii-barakah) ayaa ugu baaqay dhalinyarada wadaadada iyo maleeshiyada Barre Hiiraale inay u naxaan Shacabka xabadana ka jooojiyaan.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0