Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Wasiirka arimaha dibada Ethopia Seyoum Mesfin: "Caqabadda ugu weyn ee iminka Somaliya hortaagan waa C/laahi Yuusuf iyo N/Cadde"

    Wasiirka arimaha dibada Ethopia Seyoum Mesfin: "Caqabadda ugu weyn ee iminka Somaliya hortaagan waa C/laahi Yuusuf iyo N/Cadde"

    Font size: Enlarge font

    Dowladda Ethiopia, ayaa sheegtay in khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha DFKMGS iyo Ra'isul-wasaare Nuur Cadde uu u sabab yahay dhibaatooyinka ka taagan dalka Somalia, xilli ay labadaasi Hoggaamiye ku sugan yihiin Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

    Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Ethiopia, Seyoum Mesfin, ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi khaas ah oo uu shalay siiyey Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa magaalladda London, wuxuuna ku eedeeyey Madaxweynaha DFKMGS, C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'isul-wasaare Nuur Cadde inuu khilaafkooda gudaha sababay inay awoodda maamulka ku loolamaan, xilli ay malaayiin qof oo Soomaali ku nool yihiin xaallad adag, isla markaana ay masiibo Aadminimo ka jirto dalka Somalia.

    Seyoum Mesfin, waxa uu Wareysiga uu siiyey Wargeyska The Financial Times ku sheegay inuu khilaafka Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'isul-wasaare Nuur Cadde yahay caqabadda ugu weyn ee hor-taagan Nabadda dalka Somalia, wuxuuna xusay inuu khilaafkooda soo taxnaa tan iyo markii Ra'isul-wasaare Nuur Cadde loo magacaabay xilkaasi 8-bilood ka hor.

    "Caqabadda ugu weyn haatan ma aha waxa ay ugu yeeraan caddowga. Waxa ay dhibaatadda ka timid waa xiisaddaha ka jira gudaha Dowladda Federalka, taasi oo ka hor-joogsanayso inay diiradda saaran waxa ay doonayeen inay sameeyaan", ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Ethiopia.

    Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu tilmaamay si loo gaaro Nabad in loo baahan yahay inay Madaxweynaha iyo Ra'isul-wasaaraha DFKMGS wada dejiyaan qorshe lagu dhisayo Maamul-gobaleedyadda, si ay taasi dadweynaha ugu abuurto inay si xooggan Dowladda ula shaqeeyaan iyo inay taageero ka geystaan Dib-u-heshiisinta laga dhex wado Kooxaha dagaalamayo iyo Jufo-hoosaadyadda.

    Wasiirka Arrimaha dibedda ee dalka Ethiopia, Seyoum Mesfin, oo ay Dowladiisu Ciiddamo xooggan ka joogaan gudaha dalka Somalia, ayaa sheegay inay soo hagaagayso Xaalladda Ammaanka ee dalka Somalia, inkastoo ay Khubaradda madaxa-bannaan badankooda sheegaan inay dalka Somalia maalin kasta ka dhacaan xiisaddo colaadeed oo la mid ah kuwa ka dhaca dalalka Ciraaq iyo Afganistan.

    Dhinaca kale, Seyoum Mesfin, waxa uu Wareysigiisa kaga hadlay Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab ee dagaalladda Mukhaawamadda kula jirta Ciiddamadda DFKMGS iyo kuwa Ethiopianka ee ku sugan gudaha dalka Somalia, wuxuuna sheegay in la wiiqay awooddooda ciiddan, waa sida uu hadalka u yiri.

    Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu Seyoum Mesfin sheegay inay Kooxda Al-shabaab o oay Maraykanka sheegaan inay gacan-saar la leeyihiin Ururka Al-qaacida si xun loo wiiqay awoodooda, isla markaana aysan awoodi karin inay sameeyaan dhaqdhaqaaq ay DFKMGS ku waxyeleyn karaan, waa sida uu Seyoum Mesfin ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu shalay siiyey Wargeyska The Financial Times.

    Xeeldheerayaasha, ayaa rumeysan inay Dagaalyahannadda Al-shabaab sii kordhiyeen hawlgalladooda Mukhaawamadda ee ay kaga soo horjeedaan Ciiddamadda DFKMGS iyo kuwa Ethiopianka ee ku sugan gudaha iyo daafaha magaalladda Muqdisho.

    Xigasho:http://www.ft.com/cms/s/0/f14285cc-6f85-11dd-986f-0000779fd18c.html

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0