Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Qarax Miinada Dhulka lagahago ah oo Saakay Kula Qaraxday Wadada Maka Al-Mukarama Baabuur Ural ah Baabuurkii oo Meesha ku bas Beelay

    Qarax Miinada Dhulka lagahago ah oo Saakay Kula Qaraxday Wadada Maka Al-Mukarama Baabuur Ural ah Baabuurkii oo Meesha ku bas Beelay

    Font size: Enlarge font

    Wadada isku Xirta Garoonka Muqdisho iyo Madaxtooyada gaar ahaan tan Maka Al-Mukarama ayaa Noqotay Narkabood lagula eegti Gumeysiga iyo kuwa kal kaala Qarax Miinada Dhulka laga hago ah oo Saakay Subaxii Hore lagula eegtay gaari Ural ah oo Marayay Wadadaasi.

    Gaariga ayaa ahaa gaari Xowli ku socday balse si deg deg ah ayuu u haleelay Qaraxa Sida ay u Sheegeen Bogan dad goobjoogayaal ah, Milataarka Itobiya ayaana furay Rasaas  ay dad aan la ogayn Tiradooda wax ku Noqdeen.

    Gaariga ayaa la sheegay Markii uu Qaraxu haleelay In isla markiiba uu halkaasi dab ku qabsaday waxaana la xaqiijiyay in ay ku nafwaayeen ilaa 10-ka mid ah Askarta waxaana babuur gurmad ah ka soo baxeen Madaxtooyada iyo Xeradii dam damiska ee Oto Oto si ay ula tacaalaan Dhaawaca Damista gaariga iyo daad gureynta Maydadka halkaasi yaala.

    Milatarka Itobiya ayaa baaritaan ku Dhaqaaqay ay barayaan Xaafadaha Waabari  iyo Qeybo ka mid ah H/Wadaag waxaana la sheegay in ay Rasaas ku fureen dadka rayid ah ayaga oo dhalinyaro qab qabtay lagana yaabo in ay si Bareer  ah u dilaan

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0