Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Masuul katirsan Isbaheysiga Xoreynta garabka Asmara oo Khiyaano ku tilmaamay shirka Jabuuti(Dhageyso)

    Masuul katirsan Isbaheysiga Xoreynta garabka Asmara oo Khiyaano ku tilmaamay shirka Jabuuti(Dhageyso)

    Font size: Enlarge font

    Madaxa Waaxda Garsoorka ahna Afhayeenka Isbaheysiga Xoreynta garabkiisa Asmara Dr Xasan Mahdi ayaa ku eedeeyay xubnaha Isbaheysiga Jabuuti ee shirarka uga socda iyaga iyo dawladda Federaalka magaalada Jabuuti khiyaano weyn oo ay ka galayaan shacabka.


    Waxaa uu sheegay Dr Xasan Mahdi in ay hor fariisteen xubnahaasi jabuuti ku sugan rag uu ku sheegay danbiilayaal dhiiga shacabka soo cabay qaarkoodna wali ay ciidamadooda ay dhibaato kasii wadaan gudaha dalka.

    Wadahadalada dadka caynkaasi oo kale lala galayo ayuu ku tilmaamay mid lagu khiyaameynayo halgankii Umadda Somaliyeed iyo howlgalladii Dib U Xoreynta dalka maadaama ay kala tashanaayan sida wax la yeelayo kuwa Mujrimiin ah.

    Dhageeyso

    Mar uu soo hadal qaaday xasuuqii Itoobiyaanku ay ka geysteen duleedka Muqdisho ayuu ku sheegay mid aan la qaadan karin muujinayana sida ay cadowga umada Somaliyeed u kala saareyn shacan iyo dad hubeysan.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0