

Kooxda Imbagati Oo Kulan Ku Yeelanaaya Addis Ababa.
Wararka naga soo soo gaaraya magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya in Madaxda Xukuumada Tigreega ay ku guuleysteen in dib ugu celiyaan damaciisii ku dhisnaa xukun jacelka iyo kali-talisnimada Col.C/laahi Yuusuf kadib markii shir albaabadu u xiran yihiin ay la yeehseen, waxaana maantay lagu wadaa in kulan fool ka fool ah la isugu keenyo isaga Col.Nuur Xasan Xuseen iyo Sheekh Aadan Madoobe.
Wararka ayaa sheegaya in dadaalada dhexdhexaadinta ee xiisada ka dhex aloosan Xubnaha Kooxda Imbagati ay ka qeyb qaateen Mr.Meles Zenaawi , Seyuom Mesfin, Saraakiisha AU-da & Wakiilada Beesha Caalamka, iyadoo kulan saacado badan qaatay la la yeeshay Col.Claahi Yuusuf, waxaana wararkaasi intaasi raacinayaan in Col.C/laahi Yuusuf looga digay inuu sabab u noqdo burbur ku yimaada dadaalada ay wadaan Wakiilada Beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya, iyadoo lagu war geliyay inuu dhowro qodobada qeexaya awoodaha ee axdiga KMG ah, waxaa si toos ah loogu sheegay inuu ku xadgudbay awoodaha Wasiirka 1aad eek u qoran Axdiga, sidoo kale waxaa lagu amary inuu saxiixo wareegtadii xilka looga qaaday Hogaamiye Kooxeedka Max’ed Dheere iyo Wasiirdii isaga taageersanaa si ay u dhaqan gasho, waxaana lagu wadaa in maantay la is soo horfariisyo 3 xubnood oo kala degan laba hotel oo ku kala yaala magaalada Addis ababa, si loo dhameeyo xiisada ka dhalatay khilaafka kooxda Imbagati, warar hoose ayaa sheegaya in Madaxda Ethiopia ugu cabasho dhan ka ah Mr.Axmed Cabdisalaan u gudbiyay wuxuuna qoraalkiisa ku sheegay in dhibaatada iyo xiisadaan uu ka dambeeyo si uu u abuuro garab ka awood badan kiisa.
Comments (0 posted):
Post your comment