Linkz
Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
  • Home | News | Ciidamo Nigerian oo kusoo fool leh Muqdisho isbuucyada soo socda

    Ciidamo Nigerian oo kusoo fool leh Muqdisho isbuucyada soo socda

    Font size: Enlarge font

    Af-hayeen u hadlay Wasaarada Gaanshaandhiga ee dalka Nayjeeriya, ayaa shaaca-ka-qaaday in todobaadyada soo socda,ay caasimada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho u dirayaan ciidamo tiradooda lagu sheegay 850.

    General Emeka oo ka tirsan saraakiisha hogaaminaysa ciidamadan,ayaa sheegay in askartan ay ka kooban-yihiin saraakiil rug-cadaa ah iyo ciidamo aad u taba-baran.

    Ciidamadan ayaa ka mid-noqonaya,kuwa nabad ilaalayaasha ee (Amisom), waxaana la filayaa inay magaalada Muqdisho ku soo wajahan-yihiin dhamaadka bisha Agoosto,sida uu xaqjiiyay General Emeka oo ka mid ah saraakiisha Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Nayjeeriya.

    Dawlada Nayjeeriya ayaa ka mid ah wadamada sida fir-fircoon ooga qayb-qaata dhinaca nabad ilaalinta,waxayna horey ciidamo oogu direen,dhawr wadan oo ay xasarad dagaal ka taagan-yihiin,kuwaasoo ay ka mid-yihiin,Liberia,Sieralione iyo Gobolka Darfur ee dalka Sudan.

    Xigash: Press.TV http://www.presstv.ir/detail.aspx?

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0