

3-da nin ee ugu sareysa kooxda Mbagathi oo safar ku tagaya dalka Itoobiya.
Seddaxda nin ee ugu sareysa kooxda Mbagathi ayaa saaka socdaal ugu ambabaxaya magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
C/laahi Yuusuf Axmed madaxweynaha kooxda Mbagathi , Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Ra'isulwasaaraha kooxda Mbagathi iyo guddoomiyaha barlamaanka Aadan Madoobe ayaa safar ku tagaya magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Amaanka shaqsiyaadkaan ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo ciidamo isugu jira maleeshiyada kooxda Mbagathi, ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo kuwa AMISOM ay ka qeybqaadanaayan adkeynta amaanka shaqsiyaadkaan.
Wadada isku xirta xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn amaankeeda loo adkeeyey, iyadoo ciidamo fara badan lagu daadiyey wadadaas.
Socdaalka shaqsiyaadkaan ayaa salka ku haya khilaafka daba dheeraday ee u dhexeeya C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde, iyadoo warar hoose ay sheegayaan in dowladda Itoobiya ay dadaal ugu jirta sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka dhex aloosan shaqsiyaadka hogaamiya kooxda Mbagathi.
Saraakiil katirsan dowladda Itoobiya ayaa la filayaa inay socdaalka ku wehliyaan shaqsiyaadkaan kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyey dhexdhexaadinayey labada nin, hase ahaatee ku guuldareystay.
Si kastaba ha ahaatee marka ay isku dhacaan shaqsiyaadka ugu sareeya kooxda Mbagathi ayaa waxaa looga yeeraa dalka Itoobiya halkaas oo lagu soo xaliyo khilaafkooda taas oo dad badan oo Soomaaliyeed ay shaki ka muujiyaan.
Comments (0 posted):
Post your comment